CULIMADII HORE IYO MASAFADA AMA JIIFTADA: W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Masafadu waa bad kamid ah maansada soomalida. Inta badan bada masafada ama jiiftada waxa aad loogu yaqaanay culimada soomaliyeed kuwaas oo u adeegsan jirey waanada iyo wax u sheega bulsho weynta ay hadba wax u sheegayaan. Waxa loo adeegsan jirey in dadka lagu xasuusiyo ayaamaha dambeeya iyo shidada ay leeyihiin ee eebe weyne quraankiisa inoogu sheegay. Hadaba culimada iyo waxgaradka bulshada ayaa dadka masafada wax ugu sheegi jirey, waa bad fudud oo aan dhib badnayn sida gabayga iyo geeraarka oo ah heerarka ugu sareeya ee suugaanta maansada soomalida. Hadii aan idiin soo tabiyo mid kamid ah masafooyinkii ay culimadu dadka ku waanin jireen waxa kamid ahaa midan oo uu curiyey sheekh kamid ah culimadii soomaliyeed kaas oo la odhan jirey xaaji cali Cabdiraxmaan fiqi alle ha u raxmadee, masafada waxa laga bilaabi jirey inta badan xarfaha higaada ee afka carabiga sida alifka ba’da ta’ ilaa laga gaadho ya’da oo ah xarafka u dambeeya xuruufta higaada afka carbeed. Si hadaba sheekhu dadka ugu waaniyo u tabaabushaysiga maalinka dambe ee qiyaame ee eebe weyne umada isku soo ururin doono ayuu ina leeyahay :
Jiinyeen jabow aadmi
Ma jalbeebanaysaa
Jid xun baad ku socotaa
Jiscin ma u helaysaa
Jees –jees miyaa ku haban
Nin asaagiisi jiifsaday
Jaankaaga waxa fuuli
Jid siraad ma moogtahay
Nina jaamo uma tolan
Joombiyadna ka afbadan
Jilayciisu waa sida timaha
Jaahiisu uma kaco
Ninkaan jiirta laga saarin
Duul jahanamaad noqoy
Jilibkaaga ma ogtahay
Jinna tuurku waa beene
Muslim waa isku wada jooge
Jinni yuusan kuu talin
Nafta waad jeclaydeene
Jarka ha iska xoorina
Jahanamo iyo ololkeeda
Ma nin jiidh ulaa jira
Waa taad u jeedeen
Raga jawhartiisii
Maxaa niman jamaamiira
Jeexa looga soo kacay
Malagii jujuubaayey
Arma joojinaysaa
Jeer dhaafka nebi waayey
Arma jeclaysanaysaa
Qabrigiina kuu jeexan
Luxudkiina kuu jaran
Jiidhkaaga dixiraa leh
Meelaha jinaadka ah
Lafta joofa baa hadhi
Saantaada jidhifta ah
Jaldigaa ku marag kici
Warqad bariba lagu jiiday
Jeebkaa laguu galin
Wax aduunkii lala joogay
Ma jikaartan baa jira
In qiyaame jiri doono
Nina yuusan jaaxidin
Jimcahaa dadka u marag ah
Jinigiyo wanaaskaba
Goortuu jibaadaayo
Ninna ruuxu kuma jiro
Saantaan inagu jiifniyo
Jadcadii la foorari
Mar hadii lakala jeesto
Nina jiidu way socon
Jahanama niman baa leh
Janadiina duul tage
Nin jihaadka wax u sheegay
Waa ehel jaxiimaad
Sunadii nabuu jaray
Kutubkiina jeer dhaaf
Inu jaahil ku cadaaday
Anigaa u joogsada
Nin jameecada u guura
Alle waa ku jecelyahay
Nin kufaarta ku jihaaday
Jano waa u dhowdahay
Jalaalaynku wuxu sheegay
Ma ku jaaxidaynaa
An juujaa u dhiman maayee
Aan waxba iiga juusayn
Adna waano uma jeedid
Ana waaban jiijaday
Hadii aanad jiqihayn
Hadalkayga jowhara
Jinnigii isha cadaa iyo
Jafaliile kuu tali.

Masafadan waxaa tiriyey sheikh axmed gole oo kamid ahaa culimadii diinta fidin jirtay ee ku noolayd deegaanada soomali galbeed midood. Sheekhu alle ha u raxmadee wuxu inoo soo ban-bixinayaa dhibaatada uu gabowgu soo gaadhsiiyey sida aragiisii wacnaa uu badh u tegay inyarna uga hadhsan tahay, wejigiisii iyo foolkiisii quruxda badnaa sidu isku dhalan rogay, sida dhegihii maqalkoodu dhawaa sida ay usii jufmayaan ee ay u sii cuslaanayaan, sheekhu wuxu intaa ku daray sidu ugu baahday ul uu ku tukubo oo uu iyada taageero uga dhigto, waxa intaa oo dhan kaga daran sidu ula mid noqday ilmo yar oo abaydin ah oo marwalba u baahan in wax la siiyo hadii uu waayana sida ilmahaa yar ayuu u ooyaa wixii uu jidiinka marin lahaa, quruxdii jismigiisa oo iyaduna si dhab ah isku dhalan rogtay ayuu aad uga cabanayaa sheekhu, ilkihii quruxsanaa oo dhamaantood ka wada jabay Iyana waa mid kamid ah dalanbaabiga uu gabowgu dadka gaadhsiiyo waxaanu yidhi:
Indhihii midi waa jaw
Midna jeexyar baa hadhay
Jaahiyo gacantaas
Waa wada jirboodaa
Dhagihii waxbaa jooga
Waase sii jufmaayaan
Ushaa iyo jufada dheer
Waa jimicsigaygii
Mar hadaan ku joogsado
Waan luqun jibaadhmaa
Dhul hadaan jilib maago
Waan badhi jugleeyaa
Jilbo geel jirayntana
Dhabarkaa ikala jaba
Hadaan jimicsi doonana
Jiidhkaa ikala baxa
Hadaan jeenan waayana
Sida inan yar baan janan
Jid hadii aan qaadana
Waan jululuqeeyaa
Jiidhkaygii hufnaan jiray
Waa meelo joule ah
Jismigii madoobaa
Hadmaa jookh cad lagu rogay
Ilkihii I wada jabe
Waar ma jabad duugoobaa
Naagiihii aan jeer keenay
Way I jiidh necbaadeen
Wiilashaan jeclaan jiray
Jawaab igama qaadaan
Odaaygu waa jinoobaa
Waaba lagu jalbeebtaa
Jaliilow allahayoow
Kolba joogi maynee
Jidkii nabi na qaadsii
Jahanamo ha noo gayn.

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker