Cabsi Xoog Leh Oo Jiif Iyo Joogba U Diidday Masuuliyiin Badan Iyo Madaxweyne Biixi Oo Maagan Inuu Isku Shaandhayn Mugleh Ku Sameeyo Golihiisa Xukuumadda Isla Marka Uu Soo Noqdo.

Hargaysa-(OWN)-Inkasta oo sida la sheegay uu Madaxweyne Biixi markii hore damacsanaan inuu safarkiisan uu Gobolada Bari ugu maqan yahay ka hor uu seefta la dhex qaado Golihiisa Xukuumadda haddana sida wararku ay sheegayaan waxa u qorshaysan inuu islamarka uu safarkan kasoo laabto uu Golihiisa Xukuumadda ku sameeynayo Isku badel dhinaca Xilalka ah, Magacaabis Wajiyo Cusub iyo inuu qaar badan shaqada ka caydhiyo.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeysa Foore u xaqiijisay in Madaxweyne Biixi uu markii hore doonayay inuu liiskan ku dhawaaqo ka hor intaanu u bixin Safarkan uu ugu maqan yahay Gobolada Bariga Somaliland balse wadatashi uu sida la sheegay la sameeyay saaxiibaddiisa ugu dhaw ayuu go’aansaday inuu dib ugu dhigto isla maalinta uu safarkan kasoo noqdo islamarkaana uu ku darsado xaaladaha uu isla Safarkan kala soo kulmo. Sidoo kale Wararka Wargeyska Foore soo gaadhayaa waxa ay tilmaamayaan inuu Madaxweyne Biixi damacsan yahay inuu beego soo saarista wareegtadani isla maalintii uu Xilka la wareegay oo ku siman 13-ka Bishan Foodda inagu soo haysa ee December-2018, oo ku beegan maalintii Xilka loo dhaariyay.

Wareegtani ayaa sida la sheegay taaban doonto qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda, Agaasimayaasha Guud,Taliyaasha Ciidamada, Maareeyayaasha Hay’addaha Madax Bannaan, Safaaraddaha iyo meelo kale oo muhiim ah, waxaanu Madaxweyne Biixi ku salayn doonaa aragtidiisa siyaasiga ah iyo ka jawaabista dhaliilaha uga muuqday Hay’addaha Dawladda Mudadaasi Sanadka ah ee ay Xukuumaddiisu jirtay. waxa kale oo uu Isku shaandhayntan kaga jawaabi doonaa Saluugga dhinaca Saamiga kuraasta iyo dheeli tirnaan la’aanta loo tirinayo Kuraasta Xukuumaddiisa gaar ahaan Deegaamada qaarkood, maadama oo ay Hay’addaha qaar ku sugan yihiin masuuliin isku hayb ah iyo iyadoo ay jiraan Beelo ka cabanaya kuraasta oo sheeganaya ka qatanaan dhinaca Kuraasta Hay’addaha Dawladda ah oo ay ka faro madhan yihiin. Wasiiradda Qaar ayaa sida la sheegay Xilalkooda la isku badeli doonaa, halka Qaar shaqadda laga caydhin doono, sidoo kale Agaasimayaasha Guud ayaa iyagana shaqooyinkooda la isku badeli doonaa, halka sida suuqa kujirta qaarkood shaqada laga ruqsayn doono.

Masuuliyiin badan oo Wasiiro iyo Agaasimayaal guud iskugu jira ayaa jiif iyo joogba diiddan waxaanay gaaf wareegayaan Huteelada iyagoo iska waraysanaya Xaaladdan isna Xog baadhanaya, waxa uu mid waliba dhinaciisa ka wal wal qabaa in seeftu la tagto balse waxaa jira masuuliyiin iyagu ka war helay inay jiraan oo booska laga qaadayo balse aan kala ogaan in dibada la dhigi doono iyo meel kale loo wareejin doono,waana kuwa wal walka ugu culus haysto ee aadka u anfariirsan. Xaaladdan ayaa ka dhalatay safarka Madaxweynaha ee Gobolada Bariga uu ku tagay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker