WHY DOES IT WANT TO GO TO SOMALILAND?!

Thirty  Years Without a Government, Department, And Powerful Border Forces!!!!,
Yet The International Community And The Alliance Of The Parties In The Fight For The Prohibition Of The World In  a Positive, Goverment System Transparent, Powerful Forces Built Kkkkkkkkk, Where False Is Worth
Choosing The World’s Rargest Economy, War In The World Satates In International African Troops In Somalia.
In this Still Stand Number: 0 .
There are hundreds of thousands of armed Men who are claiming that the families, Spearheaded by warlords, are also growing in
Many covert forces in order to present the
Al- Shabaab fighting in Somalia is the first and Indispensable force, that organization.
The Al-shabaab has 80% of the population, The International Community, African Countries, has may members in the federal Goverment, Parliament, Military Officers, Diplomatic Forces (NISA), Public Employees , And there are reality facts held by the people Of Somalia .
It Is Thanks To God That The Opposition Parties are working together with NISA and Al-Shabab, The Opposition Parties have stopped numerous conspiracies from various Governments, if they become ministers.
General Directors, parliamentarians, militery Officers, reporters, many officials from foreign
Countries.
WHY DOES IT WANT TO GO TO SOMALILAND ?, and powerful forces that can
Close their borders and expect international
Recognition.
Somaliland Elected by presidential electoral System passed by president 1991-1997, Passed Through a multi-Party system to vote In the people’s republic of Somaliland free and Fair election, majority party system started in 2002 and local or local elections, 2003 The Presidential election, 2005 The election of the
House of Representatives or parliamentari , 2010 The Presidential elections , 2012 The Local elections, 2017 The presidential Election.
Somaliland rule on 26 /June/1960, Recognizing 37 Countries, 4 Days were Internationally Recognized but unfortunately
Did not bear the elders and political time Witnesses have independence to become a Country within the international community With the ability strong and appears in Africa And Internationally, Union United with Somaliland Italian or Somalia. Has Resulted In A Crocodile Dentures, Not Divided In to Two States and other Institutions, Looking for the Five Divisions Of Somali , The Union Of The Two British Somaliland and The Italian has Brought to light an Islamic and Human Genocide that cannot be summarized here.
Have never happened in Africa, In The Arab World, even though the ruling nations or the Dictatorship of the world do not share the Positive image of the international community, But the international community and reality in Somaliland. Their Excellent offer does not Encourage them to open a world -class office In Somaliland with direct aid , ecenomy, Reconstruction of the country, and to Encourage future International Recognition in Somaliland.
——————————————–
WAA MAXAY SABABTA LAGU KHASBAYO           SOMALILAND INAANAY KA GO’I KARIN SOOMAALIYA?!.
——————————————
Saxafi Madax-Banaan Axmed-Sakatuuri Aadam
Cadhood Hargaysa Somaliland Republic.
Wadan Sodon Sano Aan Yeelan Nidaam Dawladeed, Kala Dambayn Iyo Ciidamo Awood Leh Oo Xuduudaha Soo Xidhi Kara!!!!, Haddana Wadamadda Isku Sheega Beesha Caalamka Iyo Afrika Oo Ku Shuraakoobay Wadamadda Dagaaladda Ka Socda In Aduunyadda Loo Soo Bandhigo Sawir Wanaagsan, Nidaam Dawladeed Oo Hufan, Ciidamo Awood Leh Oo Loo Dhisay Kkkkk, Yadoo Beenta Intaas  Leeg Laga Doorbidayo Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Aduunyadda Laga Soo Uruurinayo, Dhaqaalahaas Wadanka Dagaaladda, Qaraxyadda Wehelka U Noqday Waxaa La Soo Gaadhsiiyaa 5%, Inta Kale Waxaa Sifo Musuq Maasuq Oo Ay Ku Qaybsadaan Wadamadda Beesha Caalamka Iyo Wadamadda Afrika Ee Ciidamadoodu Ka Joogaan Soomaaliya.
Wadanka Sidaas Ah Ee Weli Taagaan Number : 0  Waxaa Ka Jira Boqolaal Kun Oo Maleeshiyooyin Ah Oo Ka Amar Qaata Qabiilooyinka Oo Ay Hor Kacayaan Hogaamiye Kooxeedyo, Waxaa Weliba U Sii Dheer Ciidamo Fara Badan Oo Qarsoodiya, Ciidamo Sifo Sharciya Ku Jooga, Ururka AI Shabaab Ee Ka Dagaalama Soomaaliya Oo Ah Awooda Koowaad Ee Aan La Loodin Karin, Ururkaas
Al Shabaab Waxay Gacan Saar La Leeyihiin 80% Shacabwaynaha, Wadamadda Beesha Caalamka, Wadamadda Afrika, Waxay Xubno Badan Ku Leeyihiin Xukuumadda Federaalka, Barlamaanka, Saraakiisha Ciidamadda, Ciidamadda Kala Duwan, Hay’adda (NISA), Shaqaalaha Dawladda, Waana Xaqiiqooyin Jira Oo Ay Hayaan Shacabwaynaha Soomaaliya.
Waana Allaah Mahaddii Mar Haddii Ay Ka Dhawaajiyeen Madasha Xisbiyadda Mucaaradku Inay Wada Shaqayn Leeyihiin Hay’adda Sirdoonka Ee NISA Iyo Ururka Al Shabaab, Xisbiyadda Mucaaradka Oo Dul Istaagay Shirqoolo Badan Oo Lagu Qaarajiyay Masuuliyiin Badan Oo Soo Maray Xukuumadihii Kala Duwanaa, Haddii Ay Noqoto Wasiiro, Agaasimayaal Guud, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamadda, Wariyayaal, Masuuliyiin  Badan Oo Ka Socday Wadamadda Dibadda.
Waa Maxay Sababta Lagu Khasbayo Somaliland Inaanay Ka Go’i Karin Soomaaliya???????!!!!!!, Somaliland Oo Sodon Sano Ahayd Dawlad Madax Banaan Oo Soo Mareen Shan Madaxwayne, Oo Leh Sadex Gole Qaran, Sadex Xisbi Qaran, Iyo Ciidamo Awood Leh Oo Xuduudahooda Soo Xidhan Karaya , Oo Caalamka Ka Sugaya Aqoonsi Caalamiya.
Somaliland Nidaamka Golaha Guurtidu Ku Dooran Jireen Madaxwayne Waa Laga Gudbay 1991-1997, Oo Waxaa Loo Gudbay Nidaamka Xisbiyadda Badan Oo Ah Doorasho Ay Codaynayaan Shacabwaynaha Somaliland Oo Ah Doorasho Xor Iyo Xalaal Ah, Nidaamka Xisbiyadda Badani Wuxuu Bilaabmay 2002 Waxaana Dhacday Doorashaddii Deegaanka Ama Dawladaha Hoose, 2003 Waxaa Dhacday Doorashaddii Madaxtooyadda, 2005 Waxaa Dhacday Doorashaddii Golaha Wakiiladda, 2010 Waxaa Dhacday Doorashaddii Madaxtooyadda, 2012 Waxaa Dhacday Doorashaddii Deegaanka Ama Dawladaha Hoose, 2017 Waxaa Dhacday Doorashaddii Madaxtooyadda.
Somaliland Oo Ah Wadan Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Ingiriiska 26.June.1960, Oo aqoonsadeen 37 Wadan, Muddo 4 Maalmood Ah Ayay Ahaayeen Wadan Caalamka Laga Aqoonsan Yahay Balse Nasiib Xumo
Kumay Adkaysan Odayaashii Iyo Siyaasiyiintii Wakhtigaas Joogay Inay Haystaan Xoriyadooda Si Ay U Noqdaan Wadan Ka Mida Wadamadda Caalamka Oo Leh Awood Xoog Leh Oo Ka Dhex Muuqata Qaaradda Afrika Iyo Caalamkaba, Midoowgiii AynLa Midoobeen Somaliland Italian Ama Soomaaliya Waxaa Ka Dhashay In Af Yixaas La Gashato, Oo Aan Loo Qaybsan Laba Wadan Xukuumadda Iyo Hay’adaha Kaleba,  Yagoo Raadinaya Shanta Soomaaliya Loo Qaybiyay, Midoowga Labadaas Wadan Somaliland British Iyo Soomaaliya Italian Wuxuu Keenay In Loogu Abaal Gudo Xasuuq Islaamnimadda Iyo Bini Aadanimadda Ka Baxsan Oo Aan Halkan Lagu Soo Koobi Karin.
Doorashooyinkaas Xorta Iyo Xalaasha Ah Weligood Kamay Dhicin Wadamadda Afrika, Wadamadda Carabta, Inkastoo Wadamadda Xukunka Xaaraanta Ku Haysta Ama Keli Talisnimada Caanka Ku Ah Aanay La Dhacsanayn Sawirka Wanaagsan Ee Ku Dayashada Mudan Ee Beesha Caalamku Ka Bixiyaan, Balse Beesha Caalamka Xaqiiqadda Somaliland Ka Jirta Iyo Sawirka Wanaagsan Ee Ay Ka Bixinayaan Kuma Dhiiradaan Inay Xafiisyo Heer Caalamiya Ka Furtaan Somaliland Oo Si Toos Ah Loogu Soo Gudbiyo Mucaawinooyinka, Dhaqaalaha, Dib U Dhiska Wadanka., Si Mustaqbalkana Loogu Dhiirado Aqoonsi Caalamiya Oo Somaliland Hesho Insha Allaah.
Freelance Journalist Ahmed Adem Adhod
  Hargeisa Somaliland Republic.
  ————————————–

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker