Dawladda Turkiga oo noqday dalkii ugu horreeyey ee ka soo jawaaba baaqii Gargaarka ahaa ee Somalia Adduunka ka Dawlbatay

Muqdisho (OWN) – Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga  hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fahadahaasi, islamarkaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi.

Sidoo kale waxa ay wasaaradddi

sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ka mid tahay degmada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraada dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Turkiga lagu xasuustaa gurmadkii uu dadka Soomaaliyeed u fidiyey sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Hadalka hadda ka soo baxay Turkiga ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo xaaladdii ugu darneyd ee fatahaada ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan HirShabelle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker