Shacabka Somaliland Bari & Galbeed & Caaraba, Muuse Biixi & Xukuumada ayey Cadaalad daro ka tirsanayaan …

Shacabka Somaliland Bari & Galbeed & Caaraba, Muuse Biixi & Xukuumada ayey
                                     Cadaalad daro ka tirsanayaan, ee Faysal & Xisbigiisa Ucid ma gudbayaasha cidi kama
                                    cabanayso, ee Maxay Ucid cid kasta oo dhaliisha Xukuumada ugu jawaabayaan ?.
Somaliladu waxay tidhaahdaa Ninkii tiisaba daryeela ayaa tu kale ku dira, waxa la yaaba oo Shacabka S/Land
inta wanaag jecel ee xaqdarada, Dulmiga & cadaalada neceb , Faysal Cali waraabe & Xisbigiisa ma gudbayaasha
ee umadu nacdey ee sadex goor cidi dooran weydey, ay kulmiye & Xukuumadahooda Dulmiga, Xaqdarada &
Xaraasha & Xadhig & sixir-bararka, Biyo La,aanta ku ridey ee Deked, Cir, Dhul & Buuro wada xaraashtey, ay
Shicibka, waxgaradka, aqoonyahan, Dumar & Dhalinyaradu ay ka cawdaan, ama dhaliilaan, waxa Kulmiye uu ugu
jawaabi waayo, ee Faysal Ma Gudbe & Xisbooga Ucid uuga soo horeeyaan ee ay Umada ugu jawaabaan.
Xisbiga Kulmiye & Muuse Biixi oo Madaxtooyada fadhiya, ayaa Cashuurtii umada qaada, xaqii Umada gacanta ku haya
Shicibkuna Xisbigaa Kulmiye & Madaxweyne Muuse ayey la xisaabtamayaan, .
Hadaba, Xisbiga Ucid Gudoomiyahooda, & adaxtoodu bal hala weydiiyo, Xukunka ay gacanta ku hayaan, Madaxtooyada
ay ka taliyaan, & halka amarkoodu ka shaqeeyo, ee ay Shicibka ugu jawaabayaan, waayo Xisbi Mucaarida ayuu ku fadhiyaa
Umadana inuu u doodo oo uu xaqooda u hadlo ayey ahayd, ee Talaw ma kolkuu cidla taagan yahay Shicibkii Somaliland
naceen, diideen, dooran waayeen , waa Halkii Siilaanyo uf , uf , yidhaahdeen, ayey dan moodeen inay Kulmiye & Kolba
Siilaanyo & Muuse kii Madaxtooyada gala inay afhayeen u noqdaan, u hadlaan, cidii Xukuumada dhaliisha Xukuumadii & Kulmiye
oo aan ka jawaabin ay iyagu kaba soo horeeyaan.
Gudoomiye ku xigeenka Ucid Ninka Buuni ee camuud looga soo eryey Guulwadanimo, ee Argagaxiso lagu sheegay ayaa intaa
Wadani & Umada u jawaabaya, ma Kulmiye & Xukuumadiiba, ka daroo dibi dhal qaar kale oo aan hadalka aqoon ayaa isa soo
xaytey oo wadani & caare ka hadlayey.
Faysal & Xisbiigisa Ucid ee Shicibku uf yidhaahdeen, cidi dooran weydey, ee Dadkii & Dalkiiba magac ka diley ee adex Jeer
iyagoo dhacay soo taagan, inay dhuuntaan ayey ahayd, ee inay Umada & Shacabka cadaalad darada Muuse & Xukuumada ka
tirsanaya u jawaabaan mey ahayn, Ucid & Faysalba waa doqon & Xaalkeed, Ilayn oqoni qiiq kama kacdee daamankey meer-
meerisaa, iyagoon omaliland wasxba ka ahayn oo Umadu sanka ka qabsatey ayey Tv,yada soo taagan yihiin.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker