Hay,adda Caafimaadka Aduunka ee WHO oo la Daalaa dhacaysa Xal U helida Xanuunka Corona Virus

 

Coronaviruska waxaa ku dheehan Cadaalad balaadhan, waana Sababta ay uga qaylinayaan dhamaan caalamku marka laga reebo in yar oo markeegii horeba dulmanayd oo hadda uu dadka kale la simay.

 

Shiinaha.

Xukuumada shiinahu waxay karantinimaysay Dad muslim ah Iyaga  oo aan waxba galabsan, waxayna ku khasabtay wax kasta oo ay ka reebtay Diinta Islaamku, si ay u nijaasayso, taa badalkeega Eebe ayay hadyad ka heleen la yidhaahdo Coronavirus kaas oo iyaga laftigooda ka kaaraantinimeeyey caalamka intiisii kale, kuna khasbay in ay joojiyaan wax kasta oo ay xaalaaysteen oo ay sida dugaaga u cuni jireen.

 

Dadwaynaha Bariga Fog.

Dadkani waxay isku haysteen in ay yihiin mujtamaca labaad ee caalamka ugu Awooda badan, iyaga oo isku yeedha midabka dahabiga ah, kaas ay dadka carabta, madowga iyo cawlaanka ah ay ka xigsanayaan dadka cadcad, sidaa uu Heemaal News ka xaqiijiyey warbino badan oo aan akhrinay, waxayn kula kici jireen bulshooyinka midab takoor xun, hadda xaaladu way is badishay, goob kasta oo ay joogaana waa looga yaacayaa, waxayna ka dacwoonayaan midab takoor iyo faquuq.

 

 

Dadka Cadaanka Ah.

Dadkani waxay isku haysteen in ay in uu ka dabaalan karaan dhib kasta oo ka dhcda caalamka, ayna sinabana ula sinaan karin bulshada inteeda kale, iyaga oo kalsooni ku qabay cilmiga u kaydsan iyo qalabka ay haystaan, balse taasi hadda meesha way ka baxaday oo iyaga ayaa ugu cabsi badan, cid kasta oo uu ku dhaco cudurkana, waxaa la kaarantinimaynayaa ilaa uu ka dhimanayo ama uu ka bogsanayo.

 

Carabta.

 

Dalalka carabta oo iyagu ku tiirsan dadka cadcad ayaa madaxa hoos u foorariyey, iskuna Tashaday kadib markii ay arkeen in ay lacagtoodii waxba u goyn karin, oo kuwii indhaha u ahaa iyaguba cabsidii ka badatay.

 

 

Afrika Iyo Laatiin Amerika.

 

 

Qoladani ayagu markii horeba Xanuunadu way daashadeen, wayna u dhiman jireen, ugamana duwana kuwii hore, wax cabsi ahna kama qabaan.

WHO.

Hay’addani waxay u qaabilsan tahay Caafimaadka Qaramada midoobay, waxayna ka hawl gashaa dal kasta, waligeed kama ayna hadal Dawooyinka dhacay, kuwa tayadoodu hoosayso, iyo kuwa dilaaga ah ee lagu Daabulo  Wadamada uu liito Hanaankooga caafimaad,

 

balse hadda maalintii waxay shir jaraa’id qabataan ugu yaraan labbo jeer, iyaga oo intaana garab wada Digniino ku aadan in magacyo kale loo bixiyo Viruskan, Si loogu suuq geeyo magaciisa dawooyin been abuur ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker