Hogaamiyaha Mucaaridka Koonfurta Sudan Oo Dalkiisa Ku Soo Laabtay.
Hogaamiyaha mucaaradka Koonfurta Suudaan Riek Machar ayaa ku soo laabtay dalka Sabtidii si uu ula kulmo madaxweyne Salva Kiir waqti ay wax ka yar bil ka hadhsan tahay waqtigii kama dambaynta ahaa ee loo qabtay in lagu soo afjaro qulqulatooyinka Koonfurta Sudan.
Booqashadan Juba ee Mashar ayaa qaadan doonta laba maalmood, waxana uu la kulmi Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan wafdi ka socda qaramada Midoobay.
Waftiga ayaa la rajaynayaa inay dhiiri galiyaan horumarka heshiiska nabadeed ee la saxeexay sanad ka hor laakiin dib u dhac ku yimid.
Mucaaradka ayaa sheegay in Machar uusan ugu soo laaban Juba in uu ka qayb qaato dawlad wadaag ah, balse uu mudnaanta siinayo sugida amniga.
Mareykanka ayaa sheegay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan xiriirkii ay la lahaayeen Koofurta Suudaan haddii ay natiijo ka soo bixi waydo wadahadalada.