Faallo:- Hadii aanan balaayoy buulkeyga kaa gelin: Ka badbaad Coronavirus, Qore.Saalax Bulaale Qodax

Hadii aanan balaayow buulkeyga kaa gelin

= Ka badbaad Coronavirus=

Waxaa la joogey waqti aduunyadu intoodda badni nabad iyo barwaaqo ku naalooneysay marka laga reebo wadamada saboolka ah sida Afrika. Wadamo aduunyadan ka mid ah ayaa aduunyadan isa siiyey in ay mulkiyadeeda leeyihiin oo ay sideey doonaan uga taliyaan ka dib markii ay guul ka gaadheen dagaalkii labaad ee aduunyada, wadamadaas oo u hogaamiyo Mareynkunku amaba loo yaqaano awooda reer galbeedka. Dagaalkii labaad markuu istaagey aduunyadii waxaa loo qeybsadey bari iyo galbeed ama Naato iyo Warso. Mareynkan oo ciidamadiisu gacanta ku hayeen dhamaan wadamada maanta loo yaqaano yurubta galbeed waxaa ka taagnaa waqtigaas masiibooyin dagaalkii sababey , waxaa dhulka la dhigey dhismaayashii magaalooyinka ,waxa gebi ahaanba meesha ka baxay adeegi dawladnimo ka dib markii dawladihii burbureen. Waxaa ka dilaacey cuduro, dadkii hantida lahaana waa musalafeen, oo waxaa la isugu soo hadhey fara-madhnaan, isma cawrido ayuu xaalku noqdey.

 

Markii la maqley in dagaalkii istaagey waxaa mar qudha debada u soo baxay malaayiin dad ah oo la liicayey gaajo,cudur, silic iyo saxariir. Jeneraalkii ciidanka Mareynkanka Yurub haystey ayey markaa taladu gacanta ugu jirtey, dagaaalka waxaa kaga dhibaato badnaa dadkan banaanka u soo baxay markii dagaalku istaagey ee aanu waxba u hayn, isaga shaqadiisa ugu weyneyd waxay ahayd jebinta Hitlar waana ku guuleystey. Ciidamadii mareynkanka waxay bilaabeen quudintii iyo daryeelkii dadka iyagoo la qeybsanayey wixii hanti iyo sahay ay hayeen. Jananku wuxuu baaq SOS ah u direy guriga cad ee looga taliye Mareynkanka si xaaladan cakiran wax looga qabto dadkana looga badbaadiyo cudurka iyo gaajada.

 

 

Go’aankii guriga cad

 

 

Wadanka Mareynkanku wuxuu ahaa dalka keliya ee ka badbaadey dagaalka labaad ee aduunyada, inkastoo uu dagaalka ciidamadiisu galeen oo dhaqaale badini ka baxay ciidan badanina kaga dhintey, hadana dalkiisa gudihiisa dagaal ma soo gaadhin. Aduunyadaa burburtey ee dadkeedii banaanka wadhan yihiin waxay soo wada eegeyeen Mareynkanka talona isagey u taaley maalintaas. Guriga cad ee looga taliyo Mareynkanka waxaa isugu habar wacdey dhamaan intii isbideysay aqoonyahan sare, Hantiilayaal iyo madaxdii dalka, waxaa laga tashaneyey sidii

 

laga yeeli lahaa Yurub mar hadii iyagu maanta gacanta ku hayaan, talona la gudboon tahay, markii la rogrogey arinkii waxaa talo ku soo ururtey arimahan:

 

 

1. Difaaca, waa in Mareynkanku ciidamadiisu Yurub caadi u degaan oo awood mililatari ku ilaaliyaan dalalkaas ay Jarmalka ka xoreeyeen, Yurubna ay noqoto maxmiyad iyagu leeyihiin oo dusha ka ilaaliyaan. Maantana ciidamadii mareynkanka ee guusha ka gaadhey 1945 sidii ayey Yurub u joogaan oo dusha uga ilaaliyaan, Yurubna kama maaranto. Wadamadan yurubta galbeedna waxaa ka dhisan dawlado ilbaxnimo iyo dimuqraadiyada wax ku maamula , aduunyada kheyraadkeena la maala mareynkanka oo shuraako kula ah ,Somaalidu waxay tidhaahdaa ” Dantaada maqaar eeyna waa loogu seexdaa”, waa niman la haysto oo waxoodana ku maamulanaya si farsameysan . Mareynknku wuxuu ku sasabaa wadamadan reer galbeedka waxaa tihiin gashaan-buurta runta ah (real alliance) laakiin runtii isagaa go’aanka leh, waana hogaamiyahooda, jaangeynta difaac iyo siyaasadeedba xagiisa ayaa laga soo alifaa, yurubna waa taageerayaal la isku haleyn karo, maadama dadka Yurub iyo Mareynkanka badankoodu wadaagaan isir,diin iyo dhaqan taas ayaa sahashey in ay jaanta isla helaan oo isku dan noqdaan, waxyaabo badana isku aragti ka noqdaan oo tanaasulaad dhaco.

2. Dhaqaalaha, waa In Mareynkanku dhaqaalihiisa geliyo wadamada Yurub ee burburey. Bankiyaduna furaaan jeebadaha dhaqaalaha oo maal geliyaan shirkadaha doonaya in ay dib u dhiska ka qeyb qataan, ogow may jirin cid kale oo kula tartameysay Mareynkanka maalgelinta Yurub waayo aduunyadii kale maxba may haysan waa la wada kacey. Siyaasada maalgelinta ee Yurub waxaa lagu hagaayey nidaam dawladeed oo leh hanaan iyo tilmaan (guideline for investments) loo dejiyey daneeyayaasha, shirkad kastaana waxay ku qasbaneyd in aaney xayndaabkaa lagu xeerey ka bixin. Siyaasada maalgelintani aragtideedu waxay ahayd mid fog oo loogu tala galey in qarniyaal badan shaqeyso oo lagu macaasho, mareynkankuna ku noolaado barwaaqo iyo badhaadhe aduunyadana uu isagu ka taliyo siduu doonana ka yeelo, lana sameeyo dawlado raaciyad isaga u ah runtiina waa mida maanta lagu dhaqmo. Shirkadaha Yurub ka jira mareynkanka ayaa leh ama saami ayuu ku leeyahay macaashkooduna Mareynkan ayuu ku xaroodaa . Maanta , markaa dhaqaalaha Yurub iyo aduunyaduba waxay hoos imanayaan talada iyo maamulka Mareynkanka. Hadaad maqasho IMF iyo Bankiga aduunka awoodeeda iyo maamulkeeda waxaa leh dawlada mareynkanka waayo hantida ama saamiga ugu badan iyagaa gashada hay’adahan, saamileyda kalena waxay noqonayaan dhegeystayaal wanaagsan, markaa dawalad aan iyaga siyaasadooda ogoleyn koob shaah ah uga shubi mayaan. Hay’adahan IMF iyo bankiga aduunkuna ma bixiyaan maalgelin bilaash ah ee waxay bixiyaan deyn dulsaar sare leh oo dawlado badani dhabarka kaga jabeen. Waxaa jira hay’ado samafayaal loo bixiyey oo hoostaga UN-ta, hay’adahaas waxaa ka mid WHO, UNESCO, UNIDO. Hay’adahani waa hay’ado caalami ah waxaana lagu maalgeeliyaal deeqo wadamada aduunku ugu deeqaan oo dal walba dakhligiisa ka soo jaro, mareynkanku hay’ad kasta lacagta ugu badan isagaa ugu deeqa tusaale WHO wuxuu sanadkii siyaa lacag ka badan

 

 

500 milyan USD, halka Shiinuhu ka siiyo 45 milyan USD. Markaa hay’ad kasta waa iney u dhega lugnaanto talooyinka mareynkanka. Hadii la soo ururiyo, waxaynu odhan karnaa mareynkanku wuxuu haystaa Falaas Shaah oo buuxda, aduunyadii kalena koobab madhan ayey dhegta haystaan si uu shaaha ugu shubo, shaahu waa iib hadii aadan iibsan karin waa deyn. Maanta xaaladu waa adag tahay Shiine ayaa awood dhaqaale iyo ciidanba yeeshey oo Mareynkankii aduunka haystey lala baratamaya, waa quwad aan la dhayalsan karin. Sidaa awgeed waxaa jira oo soo kordhey werwer deganaansho la’aan oo soo wajahdey dhaqaalihii aduunyada. Coronavirus-kana dad badan ayaa aaminsan in uu yahay mu’aamarad la sameeyey (conspiracy theory) si khalkhal loo geliyo dhaqaalaha aduunyada ayna noqoto aduunyadu ” ninkii rooni reerka how hadho” iyadoo la isticmaalayo hub bayoloji ah (biological weapon), waxaana lagu khamaarayaa nafti bini’aadamka. Dadka qaar ayaa u arka in Shiinuhu hada guul ku meel gaadh ah gaadhey sababto ah warshadihii iyo farsamadii reer gelbeedku lahaa sagaashamaadkii ayaa loo rarey Shiine si looga faa’iideysto shaqaalaha jaban(cheap manpower) ee shiinaha si alaabtu ugu soo baxdo qiime raqiis ah, maantase Shiine wuu soo xidhey albaabkiisii !!!.

 

 

3. Saxaafada, Waxaa dan loo arkey in gacanta lagu dhigo maqalka iyo aragtida bin’aadamka oo la sameeyo lana maalgeeliyo jaraa’ido , TV iyo Idaacado meel fog gaadhsiiya wararka mareynkanka oo aan cid kale la dhegeysan, dadkana laga dhaadhiciyo in siyaasada reer galbeedka ee hanti goosadka ku dhisan loo arko mid ilaalineysa qofka bini’aadamka xoriyadiisa iyo karaamadiisa. Saxaafadani waxay gudbineysaan ilbaxnimada , dhaqanka iyo siyaasada mareynkanka ama reer galbeedka waana sababta keentey maanta inaan cid kaleba la dhigeysan , weligaaba run sheeg cidiba kaa dhegeysan meyso hadaanad sii marin qoladan dhegaha iyo indhaha dadka haysata. Waxaa lagu guuleystey in dadka laga dhaadhiciyo in shay kastoo reer galbeedku soo saaraan ka tayo iyo wax tar badan yahay waxyaalaha ay umadaha kale soo saaraan. Saxaafadu waxay suuq geyn caalamiyeysan u sameysey dhaqamada, ilbaxnimada iyo aragtiyada reer galbeedka,xitaa dhar xirashada.

 

 

Maanta aduunyadii waxaa ku dilaacey xanuun loo bixiyey Coronavirus, waana durey nasakhan oo la farsameeyey aduunyadana lagu soo daayey, qofkana ka weeraraya nafmareenka iyo sambabada, oo neefta ayaa ku dhegeysa , qofba qofuu ka weyn ama ka difaac jilicsan waa uga nugul yahay. Cudurkan waa halis, waxaana moodaa in loogu tala galey in bini’aadam badan oo war ma moogayaal ah lagu gumaado, aduunyadana ku soo hadhaan inta caafimaadka qabta ee lagu shaqeysan karo. Wadamada reer galbeedka waxaa culeys dhaqaale ku haya daryeelka waayeelka da’da ah iyo lacagaha hawlgabka , xanuunkana dadka u ugu badan ee u dilaayona ilaa maanta waxaa ugu badan dadkaas. Xanuunkana waxaa lagaga badbaadi karaa oo keliya ka hortag oo daawe ma leh, ka hortaguna wuxuu noqonayaa kala fogaansho oo qofba qofka kale u jirsato ugu yaraan 2 mitir iyo in nadaafada la ilaaliya, mar walbana gacmaha saabuun la isaga meydho ama dawooyinka jermiska dila la isticmaalo. Sida la sadaalinayo hadii cudurkani ku faafo Afrika

 

 

waxaa meesha ka bixi doona bulshooyin iyo wadamo maanta dhaqan. Waxaa loo ham iyo deg leeyahay ragna isku haystaa waa kheyraadka dihin ee dhex ceegaaga qaraadan hodanka ah. Afrikana shaxda la dhigi karimeyso quwadaha hawadooda ku hirdamaya, weli waxay ku nool yihiin nolol laga soo gudbey boqolaal sano ka hor. Waxaa aduunyada loo sameystey shuruucyo dhaqaale oo ah caalami ah (global integration policy) inaan la kala lahayn kheyraadka aduunyada, hantilayaashuna maal gashadaan meel walba. Taasna maxsuulkeedu wuxuu noqonayaa waxaa awooda saameynta yeelan doona ninka leh awood dhaqaale, militari iyo dawlad haysata kalsoonida dadka sida mareynkanka.

 

 

Hadaba , dadkeena Soomaalida ahi dagaalkii labaad ee aduunyada markii la is gumaadayey weyna ka badbaadney marka laga reebo askartii dagaalka ku dhimatey, laakiin may jirin aduunyo la inaga rogey sababtuna waxay ahayd nin walba adhigiisa iyo geeliisa ayuu baadiyaha ku haystey dagaalkuna muu gaadhin, loolalanka dagaalkana kumeynu jirin, inkastoo saameyntiisa lahaa. Markaa maanta tii laftigeeda ayaa taagan, dadkeenuna waxay ku badbaadi karaan sidii Dr Gaboose sheegey in baadiyaha loo baxo oo la kala fogaado , oo qof walba yidhaahdo ” Beelaayoow buulkeygaan kaa galey ”, tusaale dadka reer Fiqi-ayuub ee Hargeysa joogaa waa in ay fuulaan oo u firdhadaan buuraha Fiqiayuub ama tagaan Saraar ilaa inta wax is-bedelayaa oo rag kala baxayo, ilaahey ayaan ka magan galney dhagarta rag isu-qoolayo.

 

Qore : Saalax Bulaale Qodax

Email : saraared@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker