Dawladda Soomaaliya Oo ka Hadashay dhaqan xumada dhallinyarada Ee Kusoo Korodhay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si kulul uga hadlay dhaqa xumada kusoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xijaar ayaa sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ay bilaabeen qorsho looga hortagayo dadka waxyabaha dhaqan xumadaha ah sameynaya.

Taliyaha ayaa xusay in Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, sidoo kalena isticmaalaya dawooyin maanka doorinaya.

Taliye Xijaar waxaa uu sheegay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaha ay ka caawin doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kusoo bateen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, isla markaana isticmaalaya maandooriye.

Dhaqan-xumada ugu badan ayaa waxay dhallinyarada gaar ahaan gabdhaha ku sameeyaan baraha Bulshada si gaar ah Tiktok, waxaana horey uga digay culumada Soomaaliyeed oo sheegay in dhaqan-xumadaan aanay raali ka aheyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker