Maayar Saylac Oo MCH ka dhagax dhigay Magaalada Lawyacado & Khilaaf U dhexeeya Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka

Gacan ka hadal dhex maray Isku-duwaha Caafimaadka gobolka Salal iyo Duqa degmada Saylac  Maalintii Shalay ahayd ayaa sababay in xabsiga loo taxaabo  isku duwaha Caafimaadka laguna xidho rugtabooliska ee Lawyacado.

 

Gacan ka hadalkan ayaa dhacay waqti uu Duqa deg. Saylac Sacad Daahir Cige soo gaadhay xarunta MCH-ka Lawyacado oo uu iskudawha la xidhay Carab Maxamed Cismaan ku sugnaa, waxana ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen shabakada Heemaalnews in falkani dhacay markii duqu Saylac oo diriraya uu faragaliyay shaqada ka socota MCH-ka.

 

Taas oo sababtay in saraakiisha caafimaadka oo u muuqday kuwo shaqadooda difaacaya ay kulayl-kulay kaga jawaabeen una sheegen maayarka in uu faraha kalabaxo shaqada caafimaadka, wixii intaa ka dambeeyayna uu hadalku ka tag-taagmaymasuuliyiintan, gacan ka hadalkuna uu ku xigay.

 

 

Ma aha intan oo kaliya balse waxa jiray khilaaf soo jiitamayoo u dhaxeeyay masuuliyiinta Maayarka Saylac iyo Badhasaabka Salal oo iskudhinac ah iyo isku-duwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Salal, waxana ay ilowareedyo xog’ogaal ahi sheegayaan in khilaafkoodu uu gaadhay ilaa heer wasaaradeed.

 

Marka dib loo milicsado xurguftan u dambaysay ee gacan kahadalka iyo xabsiga ku dambaysay ayaa waxa ay ilo wareedyada ay shabakadu laxidhiidhay sheegayaan in uu salka ku hayay hanaanka loo maamulayo bukaanayaxanuunka kaduudiyahu soo ritay ee lagu dabiibayo MCH-ka Lawyacado, gaar ahaan shaqaale hoosaad dhinaca nadaafada ah in la soo kordhiyo iyo maaraynta kharashaadka hoyga iyo cuna shaqaalaha ku hawlan daawaynta xakuunkaasi oo ay wasaarada caafimaadku ee heer gobol codsatay, halka duqa degmada Saylacna uu kugacan saydhay.

 

 

Siday doonto ha ahaatee tan iyo intii la soo magacaabay iskuduwe Carab Maxamed ayaa waxa xusid mudan in si toos ah iyo si dadbanba ay u sii kala fogaanayeen iskuna diidan yihiin masuuliyiinta xulafada ah ee gobolka Salal iyo degmada Saylac ka arimiya marka la barbardhigo sidii ay shux-shux-wadaaga fog ula haayeen isku-duwahii xilka laga xuyuubiyay ee wasaarada caafimaadka gobolka Salal Yuusuf Cawaale Daahir oo ahaa ay madaxda xulafada ah ee Saylac kalsooni ka sheegan jireen,b alse tan badalkeeda kalsooni daradii ay ka muujiyeen dadwaynaha gobolka Salal ku dhaqan ay sababtay in xilkaas laga xayuubiyo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker