Dibadbaxyo ka socda Koofur Afrika iyadoo ammaanka la adkeeyay
Dadka reer Koofur Afrika ayaa qabanaya dibadbaxyo ka dhan ah dowladda waxayna ugu baaqayaan madaxweynaha inuu is casilo xilli sicir barra xooggan ay ka cabanayaan.
Dowladda ayaa ciidamo ku daad gureysay wadooyinka si ay u ilaaliyaan kaabayaasha muhiimka ah.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa uga digay dibadbaxayaasha inay burburiyaan hantida ayna dhaawacaan dadka.


