Madaxweynaha Maraykanka Oo Damcay Inuu Iibsado Dhul Ay Leedahay Dawladda Denmark Iyo Dadka Ku Nool Dhulkaasi

Masuuliyiinta jasiiradda Greenland ayaa sheegay ‘in aanay iib ahayn’ ka dib markii uu dhawaan madaxweyne Donald Trump sheegay in uu jeclaan lahaa in Mareykanku uu iibsado Jasiiraddaas oo ah tan ugu weyn caalamka.

Green Land, oo dhul ahaan uu u leeyahay waddanka Denmark, ayaa ku taalla inta u dhaxeysa Waqooyiga badweynta Atlantic iyo Arctic.

 

Waxaa soo baxay warar sheegaya in madaxweynaha Mareykanka uu arrinta ku saabsan iibsashada jasiiraddaas uga hadlay kulan uu la yeeshay la taliyeyaashiisa.

Laakiin dawladda ka arrimisa Greenland ayaa gaashaanka u darruurtay fikraddaas, waxayna tidhi, “Annagu ganacsi ayaan diyaar u nahay, balse diyaar uma nihin in nala iibsado”.

Qorshaha madaxweyne Trump ayaa sidoo kale ku gacan seydhay siyaasiyiinta dalka Denmark. “Koley hadalkaas waa mid loogu tala galay maalinta beenta ee Abriil, balse mar hore ayaa ba laga soo gudbay bishaas”, sidaas waxa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Ra’iisul wasaarihii hore ee Denmark Lars Lokke Rasmussen.

Wargeyska Wall Street Journal (WSJ), oo markii ugu horreysay soo tabiyay warkan ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu dhab ka yahay qorshahaas.

Hase yeeshee, waxa soo baxaya warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Trump aanu ka hadlin iibsashada Greenland.

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen, oo xafiiska la wareegtay sanadkan gudihiisa ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan.

Arrinta ku saabsan iibsashada Greenland waxay markii ugu horreysay soo baxday sanadihii 1860-meeyadii, xilligaas oo uu mareykanka madaxweyne ka ahaa Andrew Johnson.

Sanadkii 1867-kii, warbixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Greenland ay tahay dhul muhiim ah, sidoo kalena leh kheyraad badan oo dabiici ah.

Warbixintaas ayaa lagu soo jeediyay fikradda ah in Mareykanku uu iibsado jasiiraddan istiraatiijiga ah.

Hase ahaatee, ma jirin tallaabo rasmi ah oo la qaaday ilaa laga soo gaadhay sanadkii 1946-kii, markaasoo madaxweynihii Mareykanka ee lagu magacaabi jiray Harry Truman uu Denmark ugu yaboohay $100 milyan oo doolar, si uu uga iibsado jasiiraddan.

Hore ayaa wuxuu madaxweynahaas qudhiisa si kaftan ah u sheegay in meelo muhiim ah oo ka tirsan jasiiradda Greenland uu ku beddelan doono gobolka Alaska, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker