Diyarad drone ah oo laga soo riday Iran oo duqeysay markab marayey badweynta Hindiya

Markab nooca Kiimikada qada ah ayey Sabtidii shalay duqeysay diyaarad Drone ah oo laga soo riday dalka Iran, xilli uu marayey Badweynta Hindiya, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Pentagon-ka Maraykanka ayaa sheegay in markabka Chem Pluto lagu duqeyay mell 370km u jirta xeebta Hindiya tobankii baqrqanimo xilliga maxalliga ah.

Dab ka kacay markabka ayaa la damiyay. Ma jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

Iran kama aysan hadlin. Dhawaanahan waxaa badda cas ka dhacayay weeraro is-daba joog ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha lagu garaacay maraakiibta ku sugan badda cas, taasi oo ay geysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Sabtidii “labo gantaal oo ah nooca Ballistic-ga ah ee Xuutiyiinta ay ku garaaceen marinnada maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan Badda Cas ee Koonfurta dalka Yemen, kana yimi meelaha ay Xuuthiyiintu ka taliyaan ee Yemen”.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in markabka dagaalka ee USS Laboon ee aagga gaaf-wareegaya, uu soo “riday afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ka yimid dhulka ay Xuutiyiinta Yemen maamulaan oo ku sii jeeday” markab Maraykanku leeyahay.

Isla maalintaas, markab nooca saliida qaada ah ayaa sheegay in ay duqaymo diyaaradeed oo Xuuthiyiinta kaga yimid kula kulmeen koonfurta badda cas, halka Markab booyad ah oo kale uu dirqi ku sigtay.

Mucaaradka, oo maamula, inta badan Yemen, ayaa ku andacoonaya inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil, sababo la xiriira dagaalka Qasa ka socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker