Madaxwaynaha Somalia oo ka Qayb-galay Shirka 33 Ee Midawga Africa oo ka Furmay Xarunta Addis Ababa

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya Meertada 33-  aad ee Shirka Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika  oo ku qabsoomaya Addis-Ababa.

 

Barnaamijka Meertadan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka  bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha
Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta  arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada
Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

 

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer
qaaradeed, masuuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada  Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.
DHAMMA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker