Beesha caalamka oo ka hadashay Qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaar ka mid ah dalalka danbeeya arimaha Soomaaliya iyo Ururro caalami ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray xarumaha Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Soomaaliya.

Wadamada Carabta, kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen, islamarkaana uu ku soo beegmay xilli Amniga Magaalo madaxdu uu soo hagaagaayay.

Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono talaabo lagaga jawaabayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadkii ay dhibaatadu kasoo gaadhay Qaraxyadii shalay ka dhacay  Magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo shalay lagu weeraray Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Labada Qarax oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday dhismaha Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo xarun u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo Ciidanka booliska Taraafikada ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker