Al-shabaab oo gubay tuulooyin hoos yimaada degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay gubay tuulooyinka Biyo-days, Meegaag-duub iyo Xanaan oo hoos yimaada degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay Al-shabaab ay dadka shacabka ku amreen in ay isaga guuraan tuulada, iyaga oo dab qabad siiyay guryihii iyo baraagaha biyaha laga cabo.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa la sheegay in ay hore u wateen tiro kamid ah dadka rayidka ah iyo xoolihii ay lahaayeen, lamana oga ilaa hadda halka ay la aaden.

Dhawaan ayey aheyd markii ay kooxdan sidan si la mid ah burburiyeen ceelashii biyaha iyo xarumihii isgaarsiinta ee deegaanka Cada-kibir oo iyana hoostagta isla degmada Baxdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker