Nin Cadaana Oo Xalay Ku Aqal Galay Magaalada Garoowe Ayaa Sanadkii 2009 Dil Ka Gaystay Dalka Maraykanka

Garoowe(OWN)- Scot Brandon Clem July 2009 ayuu dilay u gaystay oday 73 jira ah jun 2018 xalay wuxuu ku aqal galay garoowe?

 

Nin  u dhashay dalka Maraykanka oo horey maxkamada ugu xukuntay dambiyo iyo gabar Soomaali ah oo Sawiro laga soo qaaday arooska ka dhacay magaalada garoowe .

 

Maxkamad ku taal dalka Maraykanka gaar ahaan gobalka Western Washington County ayaa dambi ku heshay Scot brandon clem kadib markii ay rasaas ka dhacday xero uu ku sugan xiliga uu dilku ka dhacayey.

 

Tuhmano ku xigeenaa dhibanaha ayaa sheegay in ay  ujeedan markii ay dhacaysay toogashadu waliba waxaay ku markhaati fureen inuu brandon ahaa ninkii gacanta gaystay.

Sido kale waxay maxkamadu ku soo oogatay inuu isticmaalay hub sharci daro ah wuxuna madashii ka qirtay in uu galay labada dambi sidaasna ay maxkamadu ay ugu xuntay shan sano iyo 10 bilood oo xabsi ah waxaan xabsigaaas soo raaca laguna amray in uu bixiyo lacag dhan $600 kun oo dollar.

 

20 jun 2018 Scot Brandon Clem waxay u aheyd habeen xasuus gaar ah u leh?

Scot brandon clem oo wata magaac yaasin Brandon ayaa xalay aqal galkiisi labada ku galay magalada garoowe ee caasumada dowlada puntland,waxayna dadka magalada uga dhignayda wax iska caadi sababto ah yaasin brandon ma aheyn nin sheekadiisa la wadda hayo ama ay hubisay wasaradda arrimaha gudaha ee ku shaqada leh arrimaha socdaalka gudaha.

 

Waxaa lama huraan ah in ay wasaradda arrimaha gudaha qaadato doorkeedii muhiimka ahaa iyo in la hubiyo ajnabiga dalka soo galay in ay yihin dad caafimad qaba ama aan wax dambi ah dalkoodii ka soo galin markaas kadibna loo fasaxo inuu gudaha dalka u gali karo laakine waxaa meesha ka muuqta in ay wasaradu shaqadeedii ay ka soo bixi wayday.

Riix link-kan.

https://www.oregonlive.com/…/beaverton_man_gets_nearly_6_ye…

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker