Dawlada Kenya oo sheegtay inay Ururka Al-Shabaab Weerer kale kusoo Qaadeen Gudaha Kenya Saaka Aroortii hore

Nairobi (OWN) – Warar laga helayo Kenya ayaa sheegaya in markale Saaka kooxda Al-Shabaab ay weerar ka fulisay duleedka magaalada Gaarisa Xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, gaar ahaan barkoontarool oo ku taalla halkaasi.

 

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa ka dhacay Xarun ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin xaafadda Saretho oo u dhow xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

 

Taliye ku xigeenka Booliska magaalada Gaarisa, Kibet Bowen oo la hadlay Warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, islamarkaana ay iska caabin xoogan ku sameeyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee soo qaaday dagaalka.

 

Kibet Bowen ayaa sidoo kale tilmaamay inay ciidamadu toogasho ku dileen labo ka tirsanaa dagaalyahannadii weerarka qaaday, isaga oo intaasi ku inay ka furteen laba qoray oo nooca AK47 ah iyo bambaanooyin, sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa afar qof oo shacab ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa in la waayey 4 askari oo ka tirsanaa Booliska, kuwaas oo la aamisanyahay inay Al-Shabaab kala soo gudubtay xadka.

 

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada Kenya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayo askarta maqan.

Maalin ka hor ayaa aheyd markii kooxda Al-Shabaab weerar xoogan oo khasaare badan geystay ay ku qaaday saldhig lagu magacaabo Simba oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo ay si wadajir u daganaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa milatariga dalka Kenya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker