Ciidamada Faransiiska Oo Soo Badbaadiyey Afar Dalxiise Oo Lagu Haystay Dalka Burkina Faso

Hawlgal ay ciidamada Faransiisku ka sameeyeen dalka Burkina Faso ayaa ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo  dalxiisayaal ah, kuwaas oo u kala dhashay wadanka Faraniiska, Maraykanka iyo koonfurta Kuuriya.

Hawlgalkaasi waxaa ku dhintay labo askari oo faransiis, sida lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Faransiiska ee Paris

” Intii u socday hawlgalka oo dhacay habeenkii khamiista, waxaa geeriyooday labo askari oo kala ah édric de Pierrepont iyo Alain Bertoncello” ayaa lagu yiri War-saxafadeedka madaxtooyada

Ciidamadu waxay kaloo helaan maydka ninkii hagaha u ahaa labada dalxiise ee Faransiika, kaasi oo laga helay degaanka duurjoogta ee Pendjari National Park. Ninka dhintay waxaa uu u dhashay wadanka Benin

Dalxiisayaashan la soo badbaadiyay ayaa waxaa afduubay kooxo mayal adag oo ka hawgala wadamada la isku yiraahdo Saaxil ee Galbeedka iyo bartamaha qaarada Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker