“Laba bilood ayey igu qaadatay inaan Qur’aanka akhriyo” :Caa’isha Silvia Romano

Caa’isha Silvia Romani ayaa bixisay wareysigii ugu horeeyay. Gabadhan u dhalatay Taliyaaniga waxaa bishii November ee 2018-kii laga afduubtay Kenya, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay ku haysteen gudaha Soomaaliya.

Waxaa la soo daayay Bartamihii bishii May ee sannadkan oo dib ay ugu noqotay dalkeeda Taliyaaniga. Diyaarad gaar ah ayaa ka soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada.

Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.”

Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker