Madaxwaynaha Turkiga oo Sheegay inuu Ciidamo U diri- doono Libya Marka La Gaadho Bisha Jeeniwari

 

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in baarlamanka dalkiisa uu bisha Jeeniwariย  u codeyn doono mooshin Ciidamo loogu dirayo dalka Libya,

 

si ay u Taageeraan dowladda QM ay Taageerto ee Tripoli.

โ€œWaxaan mooshin ciidamo loogu dirayo Libya Horgeyn doonnaa baarlamanka,

marka ugu horreysa ee kalfadhigga uu dib u billaabo 7-da Janaayoโ€ ayuu yidhi Erdogan ,oo khudbad ka jeediyey Ankara.

 

โ€œInsha Allah, mooshinka waa lagu Ansixin doonaa baarlamanka, 8-da ama 9-ka Janaayo, si aan uga jawaabno codsi nooga yimid dowladda fadhigeedu yahay Tripoliโ€ ayuu intaa Ku Daray Mr Ordegan.

 

Hadallada Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamanka Turkiga uu sabtidii meel-mariyey Heshiis wada-shaqeyneed oo Dhexmara militari Labada Wadan.

Kaasoo Ku Taxaluqa dhanka Amniga ah. oo ay gaadheen Ankara iyo xukuumadda Libya ee raโ€™iisul wasaare Fayez al-Sarraj.

 

Hase yeeshee, dirista ciidama dhulkaย  ayaa u baahan mooshin kale.

 

Erdogan ayaa Arbacadii booqasho aan la shacain ku tagay dalka Tunisia, isaga oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga iyo madaxa sirdoonka dalkaas,

 

halkaasi oo ay ku yeesheen wada-xaajoodyo ku saabsan sidii xabad joojin looga hir-gelin lahaa Libya.

 

Liba ayaa waxaa dhowaanahan halakeeyey dagaal u dhaxeeya dowladda fadhisa Tripoli ee caalamku aqoonsan yahay iyo ciidamo uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar oo doonaya inuu dalka qabsado.

 

Turkey iyo Qatar ayaa taageera dowladda Tripoli, halka Haftar uu taageero ka helo Masar, Imaaraada Carabta iyo Russ

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker