Daawo: Madaxweynayaasha Dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka oo yeeshay Kulan ay dhibsadeen Gaashaan Buurta Nato.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo booqasho ku tagay dalka Ruushka ayaa kulankii ugu horeeyey oo fool ka fool ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Labada hogaamiye ayaa sheegay inay ka wadahadlayaan xiriirka labada dal iyo waliba dadaalada la doonayo in lagu heshiisiiyo labada Kuuriya iyo Maraykanka.

 

Waxaa burburay kulankii sanadkaan horaantiisa ay yeesheen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Kim Jong Un ee ka dhacay dalka Vietnam, wadahadalkaasi ayaa joogsaday kadib markii uu Maraykanka diiday inuu qaado cunaqabateynta uu saaray Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong Un ayaa dadaal ugu jira in dalkiisa laga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran, isla markaana doonaya in markale dib loo soo noooleeyo wadahadalkii uu kula jiray Beesha caalamka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker