Dawlada Federaalka ah ee Somalia oo go’aan culus kasoo saartay shirkadaha diyaaradaha ee xujeyda qaada

 

 

 

 

 

Muqdisho (OWN) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanadkaan Shirkadaha Diyaaradaha ee qaada Xujeeda loo sameyn doono tartan furan oo ku aadan ciddii qaadan laheyd qandaraaskaas.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in shirkadaha daneenayo fursadaan ay u furan tahay inay soo gudbistaan codsiyadooda ugu dambeyn 9-ka Bishaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in codsiyada ay Shirkadaha soo gudbistaan ay go’aan ka gaari doonaan guddi ka socdo Wasaaradda oo ka kooban Culimada iyo Bulshada rayidka ah.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa oo oo sanadkii hore ay Dowladda u xirtay Mashruuca lagu geynayo dalka Sucuudiga Soomaalida Xajineysa.

 

Halkaan hoose ka akhriso Guddiga shaqadaan loo xil saaray

C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo

Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo

Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo

Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo

Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka

Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker