Labada Hogaamiye Kuuriya Oo Ku Heshiiyey Qodobo Muhiim ah

Labada hogaamiye ee dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfureed ayaa maanta oo Arbaca ah heshiis ka gaaray qodobo muhiim ah kadib kulan labo maalmood u socday. Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon ayaa booqasho sadex maalmood qaadan doonta ku jooga caasimada Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

Qodobada ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah:

1- In Kuuriyada Waqooyi xirto mid kamid ah saldhigyada lagu sameeyo / Tijaabiyo Gantaalada ridada dheer.

2- In Kuuriyada Waqooyi ay xirto xaruntooda ugu weyn ee lagu sameeyo hubka nukliyeerka iyadoo ay goob joog ka yihiin kormeer-yaal caalami ah

3- In Labada dal ay sameystaan dhul militariga ka caagan oo u dhaxeeya xaduudahooda badda iyo dhulka, si looga hortago wax dagaal ah oo labada dal dhexmara

4- In labada dal si wadajir ah u doonaan marti gelinta ciyaaraha Olympikada ee sanadka 2032.

Qodobadan ayaa ah kuwo kasoo baxa kulamadii labaadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday hogaamiyayaasha labada kuuriya oo berri leh kulankoodii ugu danbeeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker