QAMAAN BULXAN IYO ALLE BARIGII XABSIGA

Waxaan qaybtan tusaale usoo qaadanaynaa abwaankii weynaa ee qarnigii19aad ,maansoyahankii, garyaqaankii soomaaliyeed ee la odhan jiray qamaan bulxan ee la walaalka ahaa gabyaagii magaca weynaa ee weerer bulxan waxay ahaayeen laba maansayahan oo curinta gabayga ilaahay hibbo usiiyey .

Waxa la yidhi taariikhdu markay maraysay 1913 ayaa uu dhintay boqorkii weynaa ee itoobiya ninkii la odhanjiray boqor mililk kii 2aad geerida boqorkaas kadib ayaa waxa si lama filaan loo doortay madaxwaynihii ugu horeeyey ee muslim ah ee itoobiya yeelato kaas oo la odhan jiray BOQOR LIIJ YAASUU oo ahaa nin muslim ah.
Liij yaasuu markii uu talada qabtay wuxu babul kacsaday aabihiis oo loo magcaabay najaashiga gobolada wallo, tigria, baqmadir, iyo gojam.

Boqorkan liij yaasuuu wuxu durbadiiba bilaabay inu si dhab ah u muujiyo caqiidada islaamka, wuxu markiiba guursaday gabadh muslimad ah, wuxu diiday inu ku abtirsado qoryskii suleymaaniyiinta, wuxu si cad ugu dhawaaqay in nasabkiisu gabay nabi muxamad (N.N.K.H), wuxu samaystay calan ay shahaadataynku ku qoran yahay, wuxu xiriir wanaagsan la samaystay dawladii cusmaaniyiinta, wuxu masaajid ka dhisay magalooyinka jigjiga iyo diridhaba.

Intaas markay dhacday boqor liij yaasuu wuxu caaasimad ka dhigatay magaalada herer oo ahayd xaruntii islaamka kuna yaalo masaajidkii ugu weynaa geeska Africa kaas oo markii dambe loo badalay kiniisada africad bari ugu weyn.
Waxa markiiba bilaabmay tahniyadii iyo caleemo saarkii loo soo dirayey boqorkii weynaa ee boqor liij yaasuu, waxa bilaabmay imaatinka wufuud heer caalami ah magaalada herer iyo caasimada cusub ee boqorka.
Wufuudaas waxa kamid ahaa wufuud kasocotay geyiga somaliyeed dhinac kasta, sida daraawiish iyo rag kaleeto oo ay ku jiraan dad magac iyo maamuus ku leh geyiga soomaliyeed.

Wufuudaas waxa kamid ahaa qamaan bulxan iyo koox uu hogaaminayo una socday kaqaybgalka caleema saarka madaxweynaha cusub ee ay yeelatay itoobiya.
Waxa soo gaadhay magaalada herer wufuud badan oo ka kala socotay dunida dacaladeeda iyo wadamada jaarka waxaana lagu mashquulsanaa soo dhawaynta dadkaas imanaya iyo agaasinka xaflada caleemo saarka ee boqorka cusub.

Madaxdii kiniisadaha iyo qabaailkii kirishtaanka ahaa way ka xumaadeen islaamnimada boqorka cusub, waxay arkeen in goboladii tirada badnaa ee ay qabsadeen iyo shucuubtii ay gaalaysiiyeen boqor mililik iyo yoxaana ay si sahlan islaamnimadoodii dib ugu wada noqdeen.

Markii dawladihii reer yurub dareemeen in uu boqorkii xabashida ee muslimka ahaa ee liij yaasuu u leexday xoojinta islaamka, gumaystayaashii ingiriiska oo fadhiyey xeebta berbera, faransiiskii jabuuti fadhiyey iyo talyaanigii musawac fadhiyey waxay ku midoobeen in la garab istaago qolo reer shawo ah oo boqorka markaa kasoo horjeeday.
Intii ay socotay hawlahaas waxa dhinaca adis ababa laga soo abaabulay inqilaab ay wadeen axmaarada kiristanka ah oo iyagu marnaba aan rabin in qof muslin ahi ka taliyo itoobiya.

Si lama filaan ah oo ayaa waxa lagu waabariistay ciidan ku gadaaman magaalada herer, oo doonaya inay dhulka la simaan herer iyo waxa ku jiraba intaas markii ay dhacday waxa bilaabmay dagaal culus oo dhexmaray ciidamadii boqorka iyo kuwii soo duulay ee kiristanka ahaa.
1916 ayey boqorkii liij yaasuu rideen waxaanay ku xidheen boqorka xabsi harar ku yaala halkaas oo lagu dilay taariikhdu markay ahayd 1936 markii talyaanigu qabsaday dhulka xabashida oo dhan iyagoo laayey dadkii kale ee qasrigiisa ku sugnaa.

Ciidamadii waxay judhiiba galeen qasrigii madaxtooyada ee boqorku joogay waxayna dhagta dhiiga u dareen wixii joogay oo dhan, dadkii magaalada deganaa waxay noqdeen wax ladilay, wax baxsaday iyo wax xabsiyada lagu guray oo dhulka hoostiisa looga dhigay meel ay ku noolaadaan.

Ragii maalintaa xabsiga dhulka hoostiisa ah lagu qarshay ee la galiyey waxa kamid ahaa QAMAAN BULXAN iyo kooxdii wafdigiisa ahayd waxa la galiyey dhul aad u yar oo aan hawo lahayn, waxa uga darnaa cunto la’aanta meeshaas taalay, iyaga oo laysku xidhay si aanay isugu dayin inay cararaan oo ay ka baxsadaan xabsiga, lama soo koobi karo dacdaradii ay ka muteen xabsigii ay galeen.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa qamaan ilaahay ka baryey inu xabsigan ka saaro hadii kalena uu illaahay xagiisa u kexaysto illeen meesha nololi ma taalee waxaanu bilaabay gabay dheer oo aanan wada helin balse inoogu filan baryada uu eebe baryey iyo dhibkii meeshaas yaalay, waxaaanu yidhi qamaan bulxan alle ha unaxariistee
Eeboow dhistiyo ways hayaan dhagaxda waaweyne
Eeboow in dhuub leeg cirkay nagaga dhaarteene
Eeboow dhulkay naga qarsheen dhererka loo yaale
Dhudhumadiyo eeboow nin xidhan dhaadadkaan ahaye
Eeboow bir lays dhaafshaybay dhab igu siiyeene
Eeboow kokay dhadhabi waan dhogor xumaadaaye
Eeboow axmaar dhiribsan baan dhab ula seexdaaye
Dhiigayga eeboow ka jecel dhadiyo hoobaane
Oo dhalasho layskugu naxaa nama dhextaal gaale
Eeboow dhaqaaq maleh ninkii lagu dhidbaa dare
Eeboow dhalaan sidii gal baan dhalanateeyaaye
Eeboow ma dheelmado ninkii dhagac la tuuraaye
Eeboow dhurwaa sidii hadaan dhibi lahaa ruuxa
Eeboow dhirbaan mari lahaa dhacamo oodeede
Hadaad dharagto eeboow baryaad dhaxal ka haysaaye
Eeboow dhadhamo foolxun waa lagu dhukaamaaye
Eeboow waxaan dhuunyanaa laba dharbaanoode
Eeboow masoo kala dhacaan labada dhoomoode
Dhanuun noo rid aakhiro janaan dhagagsanaynaaye
Qamaan bulxan illaahay waa ka samato saaray dhibtii iyo rafaadkii qalafsanaa ee xabsiga.

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal( Darwiish)
Cigaal1212@Gmail.Com Ama 0613734481

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker