Cabdil Qaadir Iimaanoow Wax Badso Wax Beel Bay Leedahay

Soomalidu Waxay Tidhaahdaa Wax Badso Wax Beel Bay Leedahay

 Carabtuna Waxay Tidhaa Bakhaylku Laba Goor Buu Qasaara.

  البخيل خسر مرتين

Marka Laga Hadlayo Doorashooyinkii Kala Danbeeyay Ee Dalka Ka Qabsoomay Iyo Qaababkii  Doorashooyinkaasi Dalka Uga Qabsoomeen Waxa Aan Sinaba Loogu Kala Taganayn Oo La Isku Raacsan Yahay,Haddii Ay Tahay Indheer Garadka Bulshada Ee Gudaha Wadanka Iyo Beesha Caaalamka Gaar Ahaan  Dalalka Somaliland Ka Caawiya Hawlaha Dhinaca Dimoqraadiyadda,In Doorashadii Ugu Danbaysay Ee Hoogaanaka Maanta Talada Hayaa Kursiga Ku Fuulay Ay Ahayd Doorashadii Ugu Qiimaha Badnayd Ee Dalka Ka Qabsoonta Tan Iyo Waqtigii Somaliland Ka Gudubtay Hannaankii Beelaha Una Gudubtay Nidaamka Dimoqraadiyadda Sanadkii 2002dii.

Doorashadan Ayaa Hadaba La Tilmaamaa Inay Meeqaamkaasi Aadka U Sarreeya Ku Kasbatay,Habkii Ay Xukuumaddii Waqtigaasi Talada Haysay Isaga Xil Saartay Agaasinka  Jawigii Doorashadaasi Ugu Qabsoomi Lahayd Dalka Sida Ugu Habboon,Haddii Ay Tahay Tahay Dhaqaalihii Ku Xidhnaa Dhinaceeda Xukuumadaasi,Maadaama Beesha Caalamku Kaga Baxday Somaliland Dhaqaalihii Ay Ku Bixin Jirtay Doorashada,Hirgelintii Nidaamka Diiwaan Gelinta Oo Ahayd Mid La Kowsatay In Dadka Cod Bixiyayaasha Ah Laga Sawiro Indhaha,Iyo Sidoo Kale Haddii ay Tahay,Iyadoo Doorashadaasi Ahayd,Mid Ay Cod Bixinteedu Gaadhay Deegaanno Badan Oo Waqtiyadii Hore Aan Laga Codayn Jirin Ama Sanaaduuqda Cod Bixintuba Gaadhi Jirin,Maadaama Aanay Deegaanadaasi Kolkii Hore Ahayn Kuwo Ku Jiray Gacanta Somaliland.

Koomiishanka Doorashooyinka Ee Daadihinayay Doorashadaasi Ayaa Iyagana Lagu Tilmaami Karaa  Inay Si Fiican Hawshaasi U Maamuleen , Isla Markaana Dedaal Weyn Ka Muujiyeen Habsami U Qabsoomidda Doorashada,Iyadoo Si Weyn Loogu Xasuusto,Sidii Fiicnayd Ee Ay Kolba Xaaladda Jirta Ama Kolba Marxaladda La Marayo Ula Wadaagayeen Dhinacyada Ay Khusayso Iyo Guud Ahaan Bulshada..

Waxaa Hadaba Nasiib Darro Ah In Doorashadii Qaabkaasi Taariikhiiga Ah  Uga Qabsoontay Dalka,,,Ee Loo Baahnaa In Filimo  Dib Loo Daawado Waxna Laga Barto, Qarankana Dhaxal U Noqda Laga Sameeyo,

Inuu Ka Dhigay Tacabkaasi Guddoomiayaha koomiishanka Cqaadir Iimaan Hal Bacaad Lagu Lisay,Kadib Markii Uu Kala Bakhaylay,Prograamyadii  Laga Diyaarin Lahaa,Dadkii Awoodda Iyo Aqoontaba U Lahaa,Isagoo Si Badheedh Ah Oo Caadifad Qabyaaladeed Hagayso  Diyaarintii Flimkaasi Ugu Diray 70-kun Oo Dollarna Ku Siiyay  Nin Ay Ilmaadeer Saddexaad Yihiin,Oo Sawir Qaade Ah, Isla Markaana Aan Weligii Weriye Soo Noqonin…..

Waxaan Filayaa Inay In Badan Oo Bulshada Ka Mid Ahi Daawadeen Barnaamiyo  Cantara Baqash Ahaa Oo Ku Saabsanaa Doorashadaasi Lagana Baahiyay Telefiishanka Universal.,

Waxa Hubaal Ah In Haddii Mawduuca Ama Sheekada Programku Aanay Nuxur Badan Lahayn,Aad Ku Ilaabi Karto  Codka Quruxda Badan Ee Soo Tebinaya Programkaasi.

Hase Yeeshee Waxaan Ku Tilmaami Karaa Runtii Barnaamijyadii Ku Saabsanaa Qabsoomida Doorashada 2017kii Ee Ka Baxay Mediha,Kuwii Ugu Tayada Iyo Codka Xumaa Ee Aan Dhegaysanno Sannadkan Sii Galbanaya.ee 2019ka.

Isla Markaana Waxa Uu  Meel Ka Dhac Ku Ahaa programkaasi Tacabkii Iyo Dedaalkii Ay Doorashadaasi Geliyeen Koomiishanka Doorashooyinka,Hay’adaha Wadaniga Ah Ee La Shaqaynayay Koomiishanka,Xukuumaddii Waqtigaasi Talada Haysay,Iyo Shacbiga Somaliland Ee Sidii Gobanimada Lahayd Uga Qayb Qaatay Doorashada.

Dhibaatadaas Iyo Tacab Qasaarkaasi Oo Dhamina Waa Mid Ku Arooraya Sida Kala Qayb Sanaanta Iyo Qabyaaladdu Saamaynta Halista Ah Ugu Yeelatay Qayb Kasta Oo Nolosha Ah.

Isku Soo Duuboo Horaa Loo Yidhi Wax Badso Wax Beel Ayay Leedahay.

   Karis   xun iyaduna wax ku la’a.

 البخيل خسر مرتين

Cabdi Cali Samriye.(Qalinle).Freelancer journalist Hargeisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker