Gaadhiga ugu caansan Somalilaan

Intii aanan qaangaadhin ee aan ku noolaa caasimadda gobolka waqooyi bari oo iminka la yidhaahdo Togdheer ee Burco, waxaan magaaladda ku arki jirey Gaadhi Huruud ah oo noociisu ahaa Nissan, UD.

Gaadhigaasi wuu ka duwanaa Gaadiidka noociisa ah ( special addition), halka ay gaadiidka noociisa ahi u ekaayeen halo duqoobey, isagu wuxuu u ekaa Baarqab ka dheer oo ka qurux badan kuwa kale.
Gaadhigani wuxuu ahaan jirey xidigga gaadiidka togdheer, wuxuu wakhtigii nabadda soo daabuli jirey saabuunta Taydha la odhan jirey oo wershaddeedu Muqdisho ku taaley, mulkiilaha gaadhiguna shirko kula ahaa wershadda ganacsade kale, wuxuu kaloo leeyahay taariikh cuddoon oo uu la wadaago intii u soo ol’olaysay halgankii Xoraynta ee la iskaga kicinayey dulmigii keligii taliyihii xukuumaddii kacaanka.
Wuxuu habeen iyo maalin guri jirey ciidamadii xaq u dirirka ahaa, markay dagaal ku socdaan iyo haddii gurmad loo baahdo, waxaa saarnaan jirey hub waaweyn iyo kuwo fudud hadiiba cadow soo weeraro, wuxuu qaadi jirey saadka ciidanka. Ma jirin cid dayactir iyo shiidaal toona la qaybsan jirtey mulkiilaha gaadhiga, Illaahay janadiisa ha ka waraabiyo Cabdi Cawed ( Indha deero ). Anigoo ka mid ahaa ardaydii goobjooga ahayd duhurkii la laynayey, Indho deero tiisa ayaan gelin wakhtigaa la tooganayey 43kii ganacsade iyo haldoor ee reer Burco, wuxuuse ku jirey liiska dilka ku xukunnaa. Illahay isaga iyo intii dadkooda nafta iyo maalka u hurtayba waxaynu u weydiinaynaa janada lagu waarayo, Aamiin.
Bashiir Tarabbi Oogle,
Somalilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker