Dhacdooyin hor leh oo lagasoo sheegayo Badda Cas

Hay’adda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa Sabtidii heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday Badda Cas meel qiyaastii 55 nautical miles koonfur-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen.

Wadaha markabka oo aan la aqoonsan ayaa ka warbixiyay “dhawaq weyn oo uu xigay hilaac ka kacay birta doon qabadka ee dekedda” iyo qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay agagaarka dekadda, UKMTO ayaa ku sheegtay qoraal la-talin ah.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana la sheegay in dhammaan shaqaalihii markabku ay bad qabaan. Markabku wuxuu hadda aagga sga baxay dhanka dekedda ugu dhow ee kale, ayaa lagu yidhi qoraalka.

Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iiraan ee gacanta ku haya inta badan dalka Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca ayaa sare u qaaday weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsi ee ku sugan badda cas, iyagoo ka soo horjeeda dagaalka Israa’iil ee Qasa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker