Ookiyaale Fanaan Caan Ahi lahaa Oo Lagu kala Iibsaday Lacag ku Dhaw 200$ kun Oo Dollar.

Ookiyaale uu lahaa Fanaan hore oo lagu Magacaabi jiray John Lennon ayaa lagu iibsaday lacag gaadheysa £137,500 oo u dhiganta $183,895, waxaana ookiyaalahan iibsaday qof hantiile ah oon la Shaacin magaciisa .

 

Fanaanka ayaa la sheegay in uu ookiyaalahan gaadhi uu saarnaa qeybtiisa dambe ku dhex Illaaway Sanadkii 1968-dii, waxaana ookiyaalaha helay ninkii darawalka ka ahaa gaadha uu kaga dhex tegay .

 

Alan Herring oo ahaa darawalkii waday gaadhiga ookiyaalaha lagu dhex Illaaway  ayaa sheegay in uu helay ookiyaalaha oo jabay, wuxuuna  sheegay in uu ku war galiyay fanaanka ookiyaalihiisa uu hayo balse ku Fanaanka ayaa sheegay inaanu u Baahnayn Wakhtigan .

Ookiyaalahan ayaa jimcihii lagu iibiyay Suuqa xaraashka  iyadoona aan laga sameyn meeshii uu ka jabnaa, waxaanuu  sheegay ninka iska iibiyay ookiyaalahan in lama filaan ku Noqotay lacagtan aadka u badan ee lagu iibsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker