Waa maxay Dawlad wanaag (What is Good Governance?)

Waxaan ugu horeyn salaamayaa dhamaan  bahda warbaahinta meel kasta oo ay joogaan  waxaa kale oo aan salaamayaa bulshadda ku  xidhan warbaahinta .
Waxaan maanta inyar ka qorayaa  waxa ay tahay dawlad  wanaag ee aasaaska u ah ama tiiran .waxaan u doortay  maqaalkan waxay tahay habacsanaant  baahsan ee jirta  Somaliland iyo somalia  waqtigan xaadirka  .
Dawlad wanaag marka la doonayo waxaa shardi u ah ama aasaas waxay tahay 8  rukun  ama tiir .haddi aanay jirin rukunadaasi waxay noqoneysaa dawlad xun waxaana ka mid  ah tiirarkaai-
1- Ka ´qeybgal (Participation)  Waxay macneehudu ay thay in dawlad wanaag ay ka qeyb galaaan ragga iyo dumarku .wuxuuna noqon karaa  ka qeybgalkaasi  hay,ada dhexe sharicga ah .
2- Xeerka sharicga( Rule of Law)  Qodobkan labaad wuxuu ka hadlayaa dawlad wanaagu wuxuu u baahan yahay sharci cadaalad ah.isla markaani si dhexdhexaad ah loo meelmariyo,waxa kale ay u baahan tahay ilaalilnta xuquuqda  aadanaha  gaar ahaana kuwa laga tirada badan yahay-
 
3- Furfurnaan ( Transparecy)  furfunaan macaneedu waa go,aamada  la qaatay dhaqankalkoodu wuxuu u dhacayaa qaab taas oo  raacaya  xeerka iyo qawaaniinta-
4- Jawaabid ( Responsiveness) dawlad wanaagu wuxu u baahan yahay hay.adaha geedi socodka wuxuu isku dayaa inuu u adeego  dhaman saamileyda.
 
5. Isutanaasulka( Consensuss oriented) Dawlad wanaag waxay u baahan tahay dhexdhexaadinta danaha kala duwan ee bulshada si loo gaaro isfahan balaadhan  oo bulshada dhexdeeda ah  ee ku saabsan waxa danta ugu wada wanaagsan bulshada, Waxaa sidoo kale loo baahan yahay aragti balaadhan si loo gaaro yoolka .
 
6- Sinaan iyo ka wada qaybgal ( Equity and Inclusiveness) Bulsho wanaaga waxay  ku xidhan tahay hubinta in xubneheeda oo dhami  ay dareemaan inay leeyihiin saamiga. Tani waxay u baahan tahay dhmaan kooxaha laakiin gaar ahaan ugu kuwa ugu nugul-
7- Waxtarka iyo Hufnaanta  ( Effectiveness and Efficienty)
dawlad wanaagga waxaa loola jeedaa geeddi-socodka  hay,aduhu waxay soo saaran la kulmo baahida bulshada aad sida ugu fiican u adeegsanyso kheyraadka ay isticmaali karaan- Fikrad ah hufnaanra xaalada maamul wanaagga wuxuu kale oo uu daboolaayaa isticmaalka  dabiiciga  ah ee waara kheyraadka iyo ilaalinta deegaanka.
8 – Xisaabtanka  ( Accountability )
La xisaabtanka  ayaa  ah shuruud muhiim ah  wanaagga dawadladnimda. Kaliya maaha dawaladda hay,adaha iyo sidoo kale waaxda gaarka loo leeyahay iyo ururada bulshada rayidka waa inay ahaadaan lagula xisaabtami karo shacabka  iyo kuweena.
Waxaan intaas ku soo koobayaa maqaalkan aan kaga faaloonaayey waa maxay maamul wanaag ,waxaan u rajeynaa dhaamaan akhristaaysha qiimaha leh inay ka faa,iideysandoonaan , Waxaa kale oo aan ka  codsanayaa  dadka  leh aqoonta wanaagsan ee la xidhiidha xaga maamulka inay  soo qoraaan  si ay bulshadu ugu faa,iideystaam.
Waad  Mahadsantihiin
Ahmed ismail”
Ahmedbudul@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker