Tartanka Fardaha Ee Gobolada Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Hargaysa ku Guulaysatay.(Sawiro)

Gobolka Maroodi jeex ayaa ku Guulaystay Tartankii Fardaha ee Magaalada Hargeysa ka socday oo ay iskugu yimaadeen gobolada waaweyn ee Somaliland.

Tartankii u dambeeyey waxa iskugu soo hadhay Gobolka Saaxil iyo Gobolka Maroodi jeex oo laba nin oo walaalo ahi kala wateen labada faras oo U kala Tartamayay labada Gobol, waxaana guushu raacday gobolka Maroodi jeex.

Tartankan oo loo bixiyey Tartanka Gamaan Faras oo labadii jimce u dambeeyey ka socday garoonka weyn ee kubada cagta ee magaalada Hargeysa waxa guushu raacday faraskii gobolka Maroodi jeex oo uu watay Muuse Iid.

Wasiirka Ciyaaraha, iyo masuuliyiinta gobolka Maroodi jeex ayaa soo xidhay tartankiii Fardaha oo markii ugu horeysay Somaliland ka qabsoomay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker