Barasaabka Caasimada Nairobi Oo Eedo Musuq Maasuq Awgeed Lasoo Taagay Maxkamad

Badhasaabka Caasimadda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa Maxkamadda Hortegay maanta isaga oo diiday inuu Qirto Eedo dambiyeed Oo Loo soo  jeediyay oo ay ka mid tahay inuu qaatay lacago laaluush ah .

 

Gudoomiye Mike Sonko ayaa ah sarkaalkii u danbeeyey ee dowladeed ee lagu soo oogo dacwado la Xidhiidha dhanka  musuq maasuqa  ee dalka Kenya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka faa’iidaystay  lacago uu si sharci darro ah ku helay oo gaadhaya ilaa 3 milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah.

 

 

Waxa uu diiday inuu qirto dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey markii la horkeenay maxkamad qaabilsan la dagaalanka musuq maasuqa eeOO UU Xaakimka ka yahay Douglas Ogoti iyadoo ammaankana ay sugayeen booliska Rabshadaha  ka hortaga.

 

“Waxaad si ula kac ah ku heshay hanti iyo lacago adigoo og iney yihiin kuwo fal danbiyeed aad ku Mutaysan karto,” ayuu maxkamadda ka hor sheegay Qareenka dowladdU. Hase ahaatee, Sonko ayaa ku jawaabay ineysan eedeyntaasi “Run ahayn.”

 

 

Qareennada dowladda ayaa sidoo kale akhriyey faahfaahinnada akkoonnada bangiyada ee Sonko iyo dhowr mar oo lacago ay kusoo shubeen qandaraasleyaal ku guuleystay Tartanka qandaraas Ka jiray Gobol uu Hore Maamule uga Haaan jiray .

 

Sonko ayaa fasaxa todobaadka ku qaatay xabsiga ka dib markii si lama filaan ah looga soo xiray koonfurta Voi ka dibna loosoo duuliyey xavsi ku yaalla magaalada Nairobi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker