Ma Dhabaa Ina Cabdulle Xasan Waa Gabyi Jiray? . Q.5aad.

Waxa kaloo jirta oo u marag ah inaanu ina Cabdulle Xasan gabaygayadan lagu sheego tirin oo isla gabayada laftooda ku jira. Waxa arintaas lagu yidhaahdaa af qalaadka gaar ahaan ingriisiga “Speaking in third person”[1] macanihii adigoo naftaada ka hadlaya halkaad ka odhan lahayd “ aniga” aad tidhaahdid “ isaga “ ama “ aad isba magac dhabatid” , gabaygaas laftiisa waxa ku jira tuducan oo lagu magaca dhabayo Ina Cabdulle Xasan “ Astaadka”.

 

Hoh iyo caku iyo ninkii, hawkar galay baa leh

Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh

Hinji iyo habaar Waaq ninkii, huray Astaadkaa leh

 

Hinji ( Insi) Habaar Waaq[2] ( Habaar Eebe) ninkii huray Ina Cabdulle Xasan ama Astaadkaa leh , tuducyadaasi doodba iyo dalliilba uma baahna , in aan qofkii isagu tiriyay gabaygan is magac dhabayn oonu isu-laba-codlaynayn isagoo isku sheegaya Astaadka ee u yahay qof kale. Gabayda noocaas ah waa ku badanyiin Diiwaanka oo marna laga fiirsan arintan ”laba codlaynta iyo is-magac-dhabka”.

 

Gabayga “ Tebiya oo Geeya” sababta keentay wuxu Siciid Cawaale sheegay 1916kii in ahayd sidan:

 

“ Markii Sayyid Maxammed col ingiriis ah oo badan jabiyay , abaanduule na colka ka ahaa Sarkaal dagaalkaas il ku waayay, dhanka kale na markii duulaanadii Xabashida ee Harar ka soo baxayay dib loo riixay , ayay Daraawiishtu ku soo gabyeen”.[3]

 

Siciid Caawalee ka dib ayuu afratan tuduc ka marinayaa gabaygaas tebiya oo geeya isagoo leh Daraawiish baa ku soo gabayday:

Inay gaaladu tag darantahay tebiya oo geeya

Geeluna Togdheer ma ku dhalay tebiya oo geeya

Sedex maaro inu tirsanyahay tebiya oo geeya.[4]

 

Enrico Cerulli Siciid Caawale oo kaliya ma waraysan jirin ee marmarka qaarki niman kale ayuu ka hubin jiray oo u ka mid ahaa  nin la odhan jiray Cumar Cigaal  (Sacad Muuse Bah-Gobo) ahaa iyo nin la odhan jiray Siciid Axmed (Ciise Muuse reer wacays) oo isagu gabaygaas danbe ee “ Tebiya oo Geeya” tuducyadan ku daray gabaygaas :[5]

 

 

Inay gaalada tag darantahay tebiya oo geeya

Inu Astaadku tiir dhamc yahay tebiya oo geeya[6]

Sayiid inuu tabtiisii ku jiro tebiya oo geeya

Ina waana laydin tudhay tebiya oo geeya

Ararsame xalaal loogu tumay tebiya oo geeya

Laba maare inu taagnyahay tebiya oo geeya

Sedex maarre inu taagir yahay tebiya oo geeya. [7]

 

Hadalka Siciid Caawale iyo Siciid Axmed waa is dheelo tirayaan inaanuy gabaygan ina Cabdulle Xasan lahayn , oo waaka Siciid Cawaale sheegaya inay Daraawiish soo tirisay , Siiicd Axmed na wuxu gabayga ku darayaa laba tuduc oo ina Cabdulle Xasan carabaaabaya marna ku sheegaya Sayyid marna Astaad , taas oo cadaynaysa in isaga lagaga hadlayo gabayga ee aanu isugu isklaga hadlayn oo “ isu-laba-codlaynayn” .

 

Gabayga Xirsiyow Hagaagtay ama la farayo nin Hawiye ah oo u yidhi Aw Jamaac waxan ka qoray nin la odhan jiray Xaaji Aaden Xuseen sabadkii 1955kii. Isana gabaygaas “ laba-Codlayntu “ iyo carbaabinta ina Cabdulle Xasan ama Astaadku waa ku jirtaa:

 

Xirsiyow hagaagtaye haddaad, hillinka qaadeyso
Dhexdu waa habheeboo, naftaad u hawalaysaaye
Harraad kama baqaan niman hadday, heli karaayaane

Horweynkiyo haleellada nirgaa, loo hintiqinaayo
Hammuunta iyo gaajada ninkaan, haysan baa qaba e
Haan iyo sibraar baad ku shuban, halab haruurkeede

Hayin baad ku raran qaalin waa, hilay la buubkiiye
Hawdkaad maraysiyo cidladu, way nala heshiise
Halaq iyo libaax horara iyo, haayir iyo tuugga

Astaadkaa ku heli oo Rabbuu, kaala hoos geliye

 

Magacayayada loogu yeedhi jiray ina Cabdulle Xasan, sida Sayyid, Astaad, Darwiish iyo Mahdi, gabayday ka wada muuqdaan haba yaraate lama odhan karo ina cabdulle xasan baa leh, gabay isaga laftiisii lagaga hadlayo surto gal maaha. Waxa isna sidaasi ka muuqataa gabayga loo tiriyay Wadaad Habar Jeclo ah oo la odhan jiray Aw-Cabdi Walabban.

 

Xuseenow warbaan kuu hayaa, waxaa tiraa weeye

Walaaloow wacdiga la ina faray, wanaag weeye

Waanadii Astaadkeennu yiri, weer aan rabo weeye.

 

 

Gabaygan isna la yidhi ina Cabulle Xasan ayaa u tiriyay Suldaan Faarax oo ahaa suldaan ka Abraahiin Ogaadeen, Majeerteenka na ku caayayo cay aad u fool xun oo ninka Aw Jaamac yidhi 12 tuduc oo cay ah baan ka saaray, waxa gabayga isna ka muuqata ciladii hore ee aanu soo sheeganay inaanay surta gal ahayn inu Ina Cabdulle Xasan tiriyay:

 

Suldaan Faaraxoow laga wareer, wecel Cismaanowe.

Dunida weerar buu gashoo waalay, reer Bariye

Khalqiguu waddarey waa kan yimi, waadi xalimeede

Waxaddooda caydhuu ka dhigay, waa tan walashlayne

Oo ay waddada soo hayaan, waa beryiyo fiide

Wiriirkaa baxaaya dugaag, webaxsan weeyaane

Adse weled xalaalaad tihiyo, waalid kheyr qaba e

Weedhii Astaadkiyo ku gale, waanaduu yiriye.

 

Gabaygan isna loo tiriyay Cali Dhuux Aadan Goroyo , oo hanjaabaad ah , waxa lagu carabaabayaa Astaad ka oo ah ina Cabdulle Xasan , se gabaygan waxa sii raacasan “ anoo ka cafa “ oo taas gabayaagu isku sheegay ina Cabdulle Xasan na Astaad ka ugu yeedhayo :

 

Hadaad cararto oo cararto oo cadan in weyn dhaafto

Cirka hadaad u dhuushana sharcigu waa ku soo celine

Astaadkoo ku caynshiyo anoo ku cafa mooyaane

Walle caafimaad uma fadhidid Caliow Buhoodle.

 

 

Boqol jeer rogaal iyo hadday, buufiyaay noqotay

 

Bufka waxaa wadhnaa waa kufriga, boqorradiisiiye

 

Banaatiikhda waataan ka helnay, badane noo taale

 

Bili nimaan lahayn baan xarbada, biid ka tarihayne

 

Buruudkii Astaadkeennu waa, biraan la laafayne.

 

 

Inkastoo magacayday Daraawiishtu ugu yeedhi jireen Wadaadka ugu badnaayeen Sayyid ama Astaadka , waxa se marmar jirtay inay ugu yeedhi jireen Mahdi ama Darwiishkii ama Ikhawaan , gabaydaas yar waxa ka mid ah kan oo isna ay ka cadahay inu tiriyay nin ku sheegaya ina Cabdulle Xasan eriga Mahdi.

 

Macnaha Keenadiid laguma oga, magac Islaameede

Murtad weeye oo ferenjiguu, maandhihiis yahaye

Ku milaada inuu muumin noqon, uma malaysaane

 

Iiddoor macaankii jannada, macamidii seegye

Mursadii Berbera loo dhigay, mugane aadaane

Ku milaada maaltooyadu, waa malaanmaliye

 

Dad ninkii Mahdiga diiday, oo gaal u muxubbaysan

Macbuud Alluu gooyay, iyo Maxamadkeenniye.

 

Canjeel la baxay markuu dhacay, lagana digniin helay ayaa dad badani xaruntii ka yaacay, colal Daraawiisha ayaana dadkii ka daba tegay si loo soo celiyo. Dabadeed wax la dilay, wax fakaday iyo wax la qabtay ayey dadkaasi noqdeen. Gabaygakani soo socda wuxuu ku xiran yahay gabayga ka bilowda (War suudow sedkaa waa jannee, samac kalaankeyga), intiisii badnaydna way rnaqan tahay. meel laga helina Allaa og, waana raadinaynaa.

Gabaygan ugu danbeeya arinka ” is carbaabinta ama laba codlaynta” waxa ka mid ah gabaygan laga tiriyay dhacdadii Canjeel ee Daraawiishta qaar isku tijiaabiyeen inay talada ka xayuubiyaan ina Cabdulle Xasan ka dib waraaqdii Cabdilaahi Shixiri ka keenay Sheekh Saalax oo Wadaadka dariiqadaba ka saaraya. Gabaygani wuxu la socodaa dhowr gabay oo xiligaas la tiriyay oo ka mid yahay kii ” Waar Suudow sedkaa waa jannee”. Gabaygan ka sokow eriga Darwiishkii oo loola jeedo ina Cabdulle Xasan oo kaalintii Astaadka galaya sida gabayada kuwii hore. Taas ka sokow gabaygan qeybo ka mid ah waa gabaydii u qoray Enrico Ceruelli isagoo sheegay in gabaygani u lahaa nin Habar Awal ah oo ciidamada Daraawiishta ka mid ahaa.

 

Awel maanso waataan dayacay, dow aan mariyaaye

Warka xalayto dooxada Jednugul , daan walba u raacay

Oo ay dabayluhu sideen, waa ku diirsadaye

Waa kii Darwiishkii kufriga, nooga soo digaye

Sidii geel darmeed bay farduhu, docadoceeyeene

Digdigtii rasaastii sidii, duur u ololeysey

Guga daatay reer Khalaf inuu, daaqo laga waaye

Danab baa ku dhacay reerihii, dayrta noo faqaye

Candhadogoble goortaan dillaa, roobkii noo da’aye

Waatay inay naga darmaan, damacsanaayeene

Dambarkeedii hele xaajaday, naga daboosheene

Dukhuumada tashaday naarta waa, loo dawarayaaye

Dige-dheere iyo Jaamac ways, daba gelaayaane

Daa’imow Allahayow adaa, duulka naga saaray.

La soco qeybaa danbe.

Rashid Jaamac.

Kayse78@hotmail.com


[1]illeism is the act of referring to oneself in the third person instead of first person ( Somali dhawaaqa  il-yasam.)

[2] Halkaasna waxa laga dhadhansan karaa ninka gabaygan tiriyay inaanu ahayn Ahlu diin Wadaad ah oo sababyu tahay Ilaahay kuma sheegin Waaq oo ah diin waah ore jirtay, Ilaahay iyo ina Cabdulle Xasan oo “ Asdaaka” ugu yeedhay isma barbar dhigeen.

[4] CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916. Rivista degli studi orientali .Vol. 7, Fasc. 4 (Settembre 1918),p.804.

[5] CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916. Rivista degli studi orientali .Vol. 7, Fasc. 4 (Settembre 1918),p.807-808.

[6] Marna tuducaas waxa lagu sheegaa “ inu Astaadku tiir dhaadanyahay tebiya oo geeya.

[7] CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916. Rivista degli studi orientali .Vol. 7, Fasc. 4 (Settembre 1918), p.808.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker