Ganacsatada Somalida Ee Koonfur Afrika Oo Cabsi Ba’an Soo Waajahday
Dalka Koonfur Afrika wax uu ka mid yahay dalalka inta badan dilalka loogu geysto muwaadininta Soomaaliyeed ee Ganacsi ahaan dalkaasi u taga,kuwaas oo dhibaatoyin kala kulma Burcada u dhashay dalkaas.
Sanadkaan Cusub ee 2019 ayaa waxaa dalkasi lagu dilay in ka badan 4 Qof oo dhamaantood Soomaali ah,waxana ay taasi casbi ku abuurtay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi koonfur Afrika.
Daahir Cabdul Casiis Maxamuud oo ah Wariye Madax banaan kuna sugan dalkaas ayaa sheegay in Saacadihii la soo dhaafay tuulo hoostagta Magalada Cape town lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo caanka ahaa dalkaas.
Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika loo geysanayo ay soo bataan,isla markaana taasi ay cabsi iyo walwal ku abuurtay Ganacsatada Soomaalida ah.
Daahir Cabdul Casiis Maxamuud waxaanuu sheegay in mar walba dhibaatada lagu hayo Ganacsatada Soomaaliyeed eek u nool dalka Koonfur Afrika ay saameyn weyn ku yaalatay Ganacsigooda.
Mid ka mida mehradaha somalida ee Koonfur Afrika