Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Ugu Yeeray Xisbiyada Siyaasada Somaliya.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya xarunta madaxtooyada Qaranka Villa Soomaaliya qaar kamid ah xisbiyada Siyaasadeed ee ku meel Gaarka ah kuwaa oo ka diiwaangashan guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in madaxweynaha iyo xisbiyada xiligan kulan leeyihiin.

Kulamadan ayaa looga gol leeyahay in madaxweyaha uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker