Xukuumada Somaliland Oo Xabsi ku Gurtay Dhalinyarada Darbi-jiifka Hargaysa

Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay maanta qaar ka mid ah carruurta derbi-jiifka ah ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ku soo xoomeen wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

 

Amar ay bixisay wasiirka shaqo galinta iyo arimaha bulshadda Marwo Hinda Xirsi Gaani ayaa dhalinyaradda darbi jiifka ah ee la dac-daraysan diihaalka nolosha adag iyo dhamaxa ay wehelki u yihiin ayaa markii ay is waydiiyeen wasaaradda qaabilsan waxa loogu jawaabay xadhig iyo waa caadaystayaal.

 

Wasiir Hinda ayaa dhalinyaradda darbi jiifka ah waxa ay ku edeyeen in hawlihii qaranku ugu igmaday ay ku fashilantay arimaha darbi-jiifkuna uu kow ka yahay,waxaana markii ay wasaaradda horyimadeen xigtay in ciidanka amaanku gaadhi qufulan ay ku garaan.

 

Dhalinyaradan ayaa markasta wasaaradihii u kala dambeeyay dalku aanay isku mashquulin isla markaasina ay gabeen hawshooda madaama oo ay ka mid yihiin dadka ay wasaaradu masuulka ka tahay.

Darbi jiifta xidhan ayaa tiradoodu gaadhaysaa 28 dhalinyaro ah oo wajiyadoodu aad ka dheehan karto diifta iyo darxumadda ka muuqata,waxaana wasaaradii ku shaqadda lahayd ay saaka ku gurtay xabsiyadda.

 

 

Oodweynenews Hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker