Doorashadii Istanbul saamayn ayay ku yeelatay musuqmaasuqa iyo dambiyada abaabulan” Madaxwayne Reccep Tayyip Ordegan

Boqollaal dad ah oo sitay durbaanno iyo tabbeeleyaal ay ku qoran yihiin erayo xukuumadda looga soo horjeedo ayaa isugu soo aruuray degmooyin dhowr ah oo dalkaas kuyaal.

Sida uu ku warramayo wariyaha BBC-da Mark Lowen, mucaaradka ayaa tallabadan ay mas’uuliyiinta doorashooyinku qaadeen u arka mid gacan siinaysa cadaadiska uu wado madaxweyne Erdogan.

Guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya ayaa loo xilsaaray in uu sii hayo jagada Maayarka magaalada inta ay dhacayso doorashada ku celiska ah.

Markii uu ka hadlay kulan ay isugu yimaadaan xubnaha baarlamaanka ee xisbiga AK, ayaa Mr Erdogan waxa uu sheegay in doorashadaas lagu celiyo ay ahayd “tallaabadii ugu wanaagsanayd” ee dalka uu qaado.

“Waxaan u aragnaa in doorashadan ku celiska ah ay tahay tallaabadii ugu wanaagsnayd, taas oo xoojin doonta hannaanka aan u xallino dhibaatooyinka annagoo ku dhex jirna xayn daabka dimuquraadiyadda,” ayuu yiri.

Waxa uu ku adkaystay in ay jirtay “sharci darro” dhanka codbixinta ah, wuxuuna sheegay in ku celinta doorashadaas ay tahay ” tallaabo lagama maarmaan ah oo xoojinaysa dimuquraadiyadda Turkiga”.

Madaxweyne Erdogan, oo talada dalkaas qabtay sanadkii 2003-dii, ayaa sidoo kale sheegay in “dad tuugo ah” ay xadeen “himiladii qaranka”, wuxuuna intaas ku daray haddii isla xisaabtan aanu jirin lahayn ”

Dadkeenu sharraxaadda arrintaas ayay naga dalban lahaayeen”.

Maxaa doorashada mar kale loogu celiyey?

Recep Ozel, oo xisbiga AKP u matalyey guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay in lagu baaqay in doorashada mar kale la qabto, sababo la xiriira in qaar kamid ah mas’uuliyiinta doorashada qabanayey aanay kamid ahayn shaqaalaha madaniga ah oo qaar kamid ah warqadihii natiijooyinka aan la saxiixin.

Balse guddoomiye ku xigeenka Xisbiga CHP, Onursal Adiguzel ayaa sheegay in ku celinta doorashada ay muujisay in ay ahayd ” mid sharci darro” ah.

Mr Adiguzel ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in go’aankaas uu ahaa “kaligi talisnimo cad”.

“Nidaamkan meesha ka saaraya doonitaanka shacabka oo iska indha tiraya sharciga ma ahan mid dimuquraaddi ah, mana ahan mid sharci ah” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

 

 

 

 

 

 

Ekrem Imamoglu, oo ah ninkii markii hore ku guulaystay jagada maayarka magaalada Istanbul, kahor intii aan qabashada jagadaas laga joojin, ayaa cambaareeyey guddiga doorashooyinka, waxa uuna sheegay in xisbiga talada haya uu ku amar ku taaglaynayo.

“Gorgortan ka gali maynno mabaadii’deenna,” ayuu u sheegay dad isku soo xoomay. “Dalkan waxaa ka buuxa 82 milyan oo muwaadiniin ah kuwaas dagaallami doona … tan iyo marka ugu dambaysa ee dimuquraadiyad la helayo.”

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker