Qaabkee Lugu Horumarin Karaa Nafta!

Waxa lugu qeexa ama lugu macneeya inuu yahay horumarku dadaal uu qofku ku bixiyo inuu bari ka wanagsanaado meeshu maanta taagan yahay, isaga oo maraya wadada guusha oo ku marayaa inuu hagaajiyo naftiisa, awoodisa, iyo heerarka waxbarasho ee naftiisa, uu ogaado halkaay naftiisu u fiican tahay iyo halkay u hoosayso, isaga oo ka faa,iidaysanaya dhaliilaha iyo waxyaabaha  naftiistu ku hoosayso.

Horumarka nafta oo koobsanya; in awooda fikirka kor loo qaado, in la barto qaabka loo xidhiidhiyo bulshada kugu xeeran, in nafta loo xakameeyo luguna hago wixii wanaagsan ee ku sababaya horumar,

Homarka naftu wuxuu ahmiyad balaadhan u leeyahay qofka iyo bulshadaba, waxaanay ku kala duwan yihiin qofba qofka kale.

Haddaba Horumarka  iyo guushu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee qof kasta oo bani,aadam ahi ku fikiro isla markaana uu hiigsado, kuna fikiro inuu gaadhsiiyo horumarkaas dadka ku hareeraysan, ee uu tusaalaha cad u yahay.

 

Sidaan uga faa,iidaysano casharkan waxa dadka loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah;

  • qaybta koowaad:  waa dad leh hal-abuur ( Proactive ) waxa ay ku caan yihiin oo wakhtigooda inta badan ku qaatan; wax akhris, fikir tolmoon, cilmi baadhis, horumar, shaqalaysiin, raadayn, iyo ka fa,idaysi meelaha ay (power full) ku yihiin, “dadkaasi waxaay u badan yihiin; culimada, baaxisiinta, hal-abuurada, ganacsatada, iyo maalgeliyayaasha”.
  • Qaybta labaad: waa dad ku shaqeeya ficil (Active)  markuu dhaco isla markaana waxa ay wakhtigooda uga fa,ideeyaan shaqo iyo tobobar, “dadkani waxaay u badan yihiin; shaqaale, ciyaaryahano, wariyayaal, xirfad wadayaal”.
  • Qaybta saddexaad: waa dad ku dhaqma jawaab celin, ficil celin

 

( Reactive), wanna dadka ugu badan ee bulshada caalamka ku nool, ma sameeyaan horumar waana dadka ku mashquula, inaay dadka kala tageeraan, daawashada tv, istacmaalka mareegtada baraha bulshada, muranka, suuq-gelin, iwm, “ dadkani waxaay u badan yihiin; tageeryaal, bilaa camal, bilaa hadaf”.

Akhriste waxaan ku rajaynayaa inaad fahantay dadku sidaay u kala duwan yihiin oo horumarka u kala jecel yihiin, ee qofkastaaba isaga ayaa naftiisa hormood u ah, oo garanaya halkaay ku fiican tahay.

Guntii iyo gabo gabadii waxaan idinkula talinayaa inaad si fiican uga faa,iidaystaan wakhtiga iyo fursadaha ay noloshu ina barayso, oo ay ka koow tahay sidaan ku horumarin lahayn nafteen.

 

 

 

Qore :  Deeqa Cabdiraxmaan Ismaciil ( Deeqsan )

Email : Deeqsan75@Gmail.Com

Hargeisa   – Somaliland

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker