Golaha Deegaanka Magaalada Minneapolis Oo Kala Diraya Ciidammada Booliska

Golaha deegaanka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka  ayaa ku ballan qaaday inay kala dirayo waaxda booliska magaaladasi, xilli dalkaasi oo dhan ay ka socdaan dibad-baxyo ka dhashay dilkii bishii la soo dhaafay magaaladaasi loogu geystay George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Sagaal ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Minneapolis ayaa sheegay in la dhisayo nidaam cusub oo ka shaqeeya bad-qabka shacabka, lana kala dirayo Booliska hadda shaqeeya oo in badan lagu eedeeyay cunsuriyad iyo midab-takoor joogto ah.

Tallaabadan oo Shacabku u arkaan mid dhanka wanaagsan loo qaaday ayaa imanaya xilli gobolo badan oo Maraykanka ah iyo Dad kale oo Yurub ah ay ka socdaan dibed-baxyo lagu muujinayo sida looga xun yahay dilkii loo geystay George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubaysnayn.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker