Ninkii Fuliyey Qaraxii Magaalada Muqdisho Oo La Soo Bandhigay
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nin sheegay in uu ka dambeeyey qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) ayaa xalay boggeeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal nin dhalinyaro ah oo sheegaya in uu maanta qarax ku xiray gaari yaallay agagaarka Isgoyska Soobe.
Ninkan oo NISA gacanta ku soo dhigtay ayaa magaciisa ku sheegay Xudeyfa Daa’uud Yuusuf, wuxuuna sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab, gaar ahaan qeybta qaraxyada ku xidha gawaadhida.
Xudeyfa ayaa ka sheekaynaya qaabka uu qaraxa ugu xidhay gaadhiga iyo sida ay wax u dhaceen.