Ereyga Jaraguur

Nabad akhriste. Ereyga jaraguur, waa erey ay adeegsadaan – inta badan; dadka ciyaara ciyaaraha fadhi-ku-dheelka ah. Sida: shaxda, shantaradka, jesta (chess) , dubnadda iyo kuwa la halmaala ee fadhiga iyo fikirka badan u baahan. Jaraguurku waa hab u baahan ka fiirsasho iyo foojignaan fara badan- inta aanad wax falin! Jaraguurku wuxu kaaga baahan yahay, foorar iyo fikir badan. Waana arrinta keenta, in xilliyada qaarkood la is hor fadhiyo muddo dheer; iyada oo aan shay keliya la dhaqaajin ama god keliya la guurin! Jaraguurku wuxu u baahan yahay: lafagur, foojignaan, fiiro dheer iyo maskaxda oo aad tuujisid! Qofka jaraguurayaa wuxu iska ilaaliyaa, god kasta oo khatar ku ah dheeshiisa oo guul u soo jiidi kara dhinaca kale ee la loolamaya.
Waxa iyaduna sidaasi ka dhigan, diblamaasiyadda (the diplomacy). Haddaba, haddii aanad jaraguurkeeda aqoonin; waxa laga yaabaa, in aad hadhow ka qoomamootid god qaldan oo aad degtay! Macnaha halkaasi ku jiraa waa, ” inta aanad falin ka fiirso!”

Haddii aynnu jaraguurkaasi ku salayno qadiyadda aqoonsi raadiska Somaliland – gaar ahaanna dhinaca diblamaasiyadda- waxaynnu u baahannahay, foojignaan iyo ka fiirsasho fara badan. Taasi oo lagu salaynayo, halhayskii soomaaliyeed ee odhan jirey, ” Fallaadh kugu soo noqon doonta lama riddeeyo!”

Iyada oo ku ammaanan, wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland; waxay dhawaanahan qaadday dhawr tallaabo oo diblamaasiyadeed.

Tusaale ahaan: xidhiidhka diblamaasiyadeed ee dhexmarayTaiwan iyo Somaliland, haddii uu xidhiidhkaasi keenayo, in ay Shiinaha iyo Somaliland colloobaan, ma odhan karnaa xidhiidhkaasi waa guul? Taasi macnaheedu maaha, ha la fadhiisto oo ayaan far la qaadin ee waa hala jaraguuro. Shiinuhu maanta siyaasadda adduunka waa buur – buurna waa lagu tiirsadaa. Bal u fiirso galaangalka iyo duufsiga u ku yeelan karo, xidhiidhka inaga iyo Itoobiya innoo dhaxeeya iyo guud ahaanba saamaynta uu maanta Shiinuhu ku leeyahay waddamada soo koraya ee adduunka!

” Kol la foodhyana fadhi laga roon!” waxa iyaduna agtaalla, ” Waad baahan tahay, looma bahalo cuno!”

Sidaa iyo qormo kale oo xiiso leh, idam Allah.

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker