Maxaad ka Taqaanaa Xayawaannada caalamka ee Loo adeegsado basaasnimada?

Sharciga koobaad ee basaasnimada ayaa ah in aadan u muuqan qof basaas ah.

Nibiri lagu magacaabo Beluga ayaa lagu arkay biyaha Norway oo loo maleeynayo in uu ahaa basaas.

Nibirigan oo xarig luqunta kaga xirnaa ayaa waxaa ka muuqday calaamad muujinaysa in uu ka yimi magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, taasi ayaana keentay in kalluumeysatada iyo Seynisyahannada dalka Norwey ay ka shakiyaan nibirigan. Balse Ruushka ayaa iska fogeeyay in wax khalad ah uu sameeyay.

Ma ahan markii ugu horreysay ee xayawaanno loo adeegsado basaasnimo.

Bisadda

Haddii aanu dooneeyno in aan wax uun ka ogaanno bisadaha, waxa ay sameeyaan wax walbo oo ay doonayaan iyo marka ay doonaan.

Taasi ayaana keentay in CIA-da Mareeykanka ay ku fikiraan in bisaduhu ay ka soo bixi karaan shaqada basaasnimada.

Kun sagaal boqol iyo lixdameeyadii waxaa la billaabay mashruuc ay ku baxday $14 milyan oo doolar oo lagu sameynayo aalad wax basaasta oo lagu xirayo bisadaha.

Balse nasiiib darro aaladdaasi ayaa guul-dareysatay maalintii ugu horreysayba.

Fiidmeerta
Waa xayawaan aamusan oo madow, inta badanna isku qariya goobo qarsoon.

Taasi ayaana suuragal ka dhigaysa in fiid-meerta lagu daro xayawaanka basaasnimada loo adeegsan karo.

Balse dadaal badan ka dib waxaa lagu guul dareystay basaasnimada xayawaankan fiidmeerta ama kibillida loo yaqaan.

Khalad lagu soo eedeeyay

Sannadkii 2007-dii ciidamada ayaa waxa ay qabteen 17 dabaggaalle ama qoodow basaas ahaa, waxayna ku arkeen agagaarka warshadda Niyukleerka ee dalkaasi

Sanadkii 2013, ayaa mas’uuliyiinta dalka Masar waxa ay qabteen haad candallaaga u eg-sababtuna ma ahayn oo kaliya in ay ka shakiyeen qalab ku rakibnaa haadkaasi.

Waxaa haadkaasi ku xirnaa qalab gambaleed u yeerinayo laamaha ammaanka. Hase yeeshee waxaa la ogaaday in haadkaasi uusan basaas ahayn, waxaana qalabkaasi ku rakibay seynisyahaanno Faransiis ah oo doonayay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa haadkaasi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker