Somaliland Fasaxa Mudo-kordhinta iyo Xeerkii ay Kusoo Celiyeen Golaha Wakiilada (faallo)
Guud ahaanba Shacabka Somaliland ayaa, Maanta Siweyn uga hadalhaya Aqalka Golaha Guurtida Somaliland, Qorshayaasha laga Filayo, inney Maalmahan Soo Socda Duuduub Ku Meel Mariyaan, oo ay ugu horeyso Mudo Kordhinta sida aadka ah loo hadalhayo, ee Mudada loogu Kordhinayo Xukuumadda talada haysa, Kadib Markii Xubnaha Komishanka Doorashooyinka, ee dhawaan la Dhamays tirey ay Dib u Riixaan Xiliga ay Ku Qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ay Ku Dareen Sagaal bilood.
Arimaha Kale ee ugu Waaweyn asbaabaha loo hadalhayo, Golaha Guurtida Somaliland, iyo Gudoomiyaha Aqalkaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, Xeerkii Arimaha Doorashada iyo Mudo Kordhinta, oo ay Golaha Wakiilada ugu Cod-qaadeen Shirgudoonka iyo 33 Mudane oo ansixiyay Xeerkaasi, Waxkabadelkii ay Ku Sameeyeen, iyaggoo Tixraacaya qodobadii ay Soo jeediyeen Lix Kamid ah Ganacsatada Waaweyn ee Somaliland, Khusuusan in la isku Lamaaneeyo Doorashada Madaxtooyada iyo tan Ururada Siyaasada, ee Xiliga Kalaguurkan ay Gashey Geediga Siyaasadeed ee Dalku, iyaddoo hadalhaynta ugu badani Ku Wajahan tahey Go,aanka ay Guurtidu dib ugu Celisay Golaha Wakiilada, taas oo Dhinaca Shacabka iyo Taageerayaasha Muxaafidka u ah Xukuumaddu soo Dhaweeyeen haseyeeshee, Guud ahaanba Mudanayaasha Mucaaridka ah iyo Taageerayaasha Guud ee Labada Xisbi Ucid iyo Waddani, ay Ku Tilmaameen Talaabo hiil u ah Dhinaca Xukuumadda oo ay Golaha Guurtidu iyagga kaga hiiliyeen.
Sikasta, oo ay tahey Xiisada ay Arimaha Galiyeen Geedi Socodka Siyaasadeed, ee Wakhti Xaadirkan, Waxaa dhex Socda falanqeynta gaarka ah ee iyadana ay Isku Canaanayaan Kaadiriyiinta Xisbiga Waddani Gudihiisu taas, oo la Xidhiidha Qaabka ay Marka hore Hogaanka Xisbigu u Aqbalayaan Go,aanada Soo baxa Tusaale ahaan Dib u Riixistii Komishanka iyo daadafaynta Dambe, oo iyagguna ah Talaaoobiyin Isburinaya taas oo ah Wali Arimo ku Huursan Waddani dhexdiisa haseyeeshee, Waxaa loo Wada dhegtaagayaa Marka ay Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Kasoo laabtaan Fasax Shan Maalmood ah oo ay Maanta ka Fasaxay.