Madaxwaynaha Zimbabwe oo codsaday in dowladiisa laga qaado cunaqabateenada saaran.

Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa oo ka hadlayay kulanka guud ee Qaramada Midoobe ayaa ugu baaqay dowlada Mareykanka Yurub in ay ka qaadaan cunaqabateeno uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo sharci daro ah.

Madaxwaynaha Zimbabwe ayaa ku dooday in haddii dowladiisa laga qaadi lahaa xayiraadaha ay si wanaagsan kaga soo kaban lahayd dhaqaalaha liita ee dalkiisa.

 

Mnangagwa ayaa noqday madaxwaynaha dalka Zimbabwe kadib markii xilka laga tuuray sanadkii 2017’dii madaxwaynihii ugu waqtiga dheeraa dalkaasi ee Robert Mugabe.

Hay’adaha gargaarka ayaa codsanaya in gar gaar deg deg ah la’la gaaro malaayiin qof  oo ku dhibaataysan gudaha dalka Zimbabwe xilli ay halkaasi ka jiraan sicir barar, biyo yari iyo koronto la’aan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker