Fatahaado khasaare dhaliyay oo go’doomiyay magaalada Qardho

Fatahaado xoogan ayaa xalay fiidkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee maamul-goboleedka Puntland, kaddib markii roobab xooggan ay isla xalayilaa shalay galab ka da’deen deegaanno ka ag dhow magaaladaasi.

In kastoo aan khasaare rasmi ah la soo sheegin haddana wararka waxay sheegayaan in biyaha ay go’doomiyeen dad badan oo ku nool xaafahadaha qaar.

Waxaana xalay magaalada ka go’day korontada, arrintaa oo adkeysay in dadku ay isu gurmadaan.

Laba sano ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay daadad xooggan ku dhufteen magaalada Qardho kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker