Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Amiirka Qatar Oo Dooxa Ku Kulmay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar Thamim Binu Hamad. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sadaxdii sano ee lasoo dhaafay ee ay taladda dalka haysay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi ganacsi, amni iyo mid dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker