Maxkamad Ciidan oo dil ku xukuntay askari nin rayida u dilay shan kun oo shilin Soomaali ah

Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu magacaabo Qaasim Ducaale Cabdi oo ka tirsanaa ciidanka ilaallada deegaanka Xamar oo talaadadii la soo dhaafay nin rayida ku dilay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa ku heshay Qaasim inuu si bareer ah u dilay muwaadin la oran jiray Abuubakar Maxamed Nuuraani oo mehrad yar ku haystay suuqa Xamar Weyne.

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in marxuumka loo dilay shan kun oo shilin Soomaali ah oo canshuur ahaan looga rabay.

Arintan ayaa dhalisay caro balaaran oo dadka deegaanku ku dalabanayeen in cadaaladda la mariyo askariga sida bareerka ah u dilay Abuubakar Nuurani, waxana ugu dambeyn maanta maxkamadda ciidamadu xukun dil ah ku riday askarigii dilkaasi gaystay talaadadii la soo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker