Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Masuuliyiinta Wasaarada caafimaadka Iyo Wasiirka Oo Qarka U Saaran Inuu Iscasilo

Wararka ayaa sheegaya in khilaafka masuuliyiinta wasaarada caafimaadku uu salka ku hayo agaasime waaxeedyo uu wasiirku xilka ka qaaday kuwaas oo gabi ahaanba diiday inay fuliyaan digreetada wasiir Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf.

 

Wasiir Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf Ayaa dhawaan xil ka qaadis ku sameeyey masuuliyiin ka hawl gala cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xisaabiyihii cusbitaalka iyo xubno kale, balse agaasimaha cusbitaalka Dr. Axmed Xaaji Cumar askar ayaa warqad jawaab ah oo uu u soo qoray wasiirka isla markaana uu og siiyey madaxweyne Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa ku sheegay inaanu wasiirka xilka ka qaadi Karin masuuliyiinta ka hawl gasha cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanu si cad u hor istaagay inuu fulo amarka wasiirku.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada horu marinta caafimaadka Pro:C/Naasir Cumar Jaamaciyo agaasimaha guud ee wasaaradaasiayaa dhinacooda la saftay xubnaha diiday inay u hogaansamaan xil ka qaadista wasiirku ku sameeyey, iyada oo ay hada muuqato in khilaafku meel adag marayo.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka horu marinta caafimaadku maagan yahay is casilaad uu kaga tago xilkaasi ka dib markii wasiir ku xigeenkiisa, agaasimihiisa guud iyo agaasime waaxeedyadii uu xilka ka qaaday ay u hogaansami waayeen amarkiisa isla markaana ay u cadaatay inay awood dheeraad ah ka haystaan dhinaca madaxtooyada.

 

Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ka jiro musuq maasuq xoogan oo loo gaysto dhaqaalaha ka soo baxa, taas oo keentay inay ka samaysmaan xubno isku xidhan oo dedaal kasta u gala inaan marna laga badalin boosaska ay hantida umada ku boobaan ee hayaan.

 

Khilaafka wasaarada caafimaadka ayaa noqonaya hal xidhaale horyaala madaxweyne Muuse Biixi, maadaama uu salka ku hayo arimo musuq maasuq oo layskugu bahaystay dhaqaalaha cusbitaalka guud iyo qaybaha kale ee wasaarada caafimaadka, waxaana la dhawri doonaa talaabada uu madaxweynuhu ka qaado taas oo noqon doonta mid gar siisa xubnaha isbahaystay ama mid taageerta talaabada wasiirkiisu ku badalay xubnahan musuq maasuqa isku gaashaan buuraysanaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker