XAMAR HAWIYAA LEH, MADAXWEYNAHANA HAWIYAA XAQ U LEH.

Sawirka halkan ka muuqda ilaa shalay waa la qaadaa dhigayey, qof walbana wax baa maskaxdiisa ku soo dhacayey markuu indhaha ku dhufto. Raggan la sawiran Raysalwasaare Khayre anigu waxaan u aqaannaa inay kaalin muhiim ah ka yihiin kooxaha ay dawladnimadu ka hana qaadi la’dahay. Inta halkan ku sawiran, saaxiibbadooda ay ka midaysan yihiin “siyaasad-ka-macaashka” iyo ganacsastada ka macaashta dawlad-la’aanta waxay ka mid yihiin waxa ugu weyn inaan dawlad Soomaaliyeed ka hanaqadin geyiga Soomaaliya khaasatan caasimadda Muqdisho. Si la mid ah sida ay Al-Shabaab u hortaagan yihiin dawlad hanaqaadda ayay kooxahanina u hor taagan yihiin, marmarka qaarkoodna saddexda kooxood waxaa lagu eedeeyaa inay ka wada shaqeeyaan fashilidda dawladnimada Soomaaliya.

image.png

Gobol walba oo Soomaaliyeed iyo maamul-goboleed kasta way joogaan kooxdan oo kale. Tusaale ahaan Puntland waxa joogta koox la magac baxday “Aaran-jaan”. Kooxdani Aaran-jaan way ka waxyeello yar tahay kooxahan Xamar ka jira waayo iyagu saamayntoodu waa heer gobol “inta badan”. Somaliland-na waxa ay u afduuban tahay koox la yidhaahdo “jeegan”.

Kooxdan la sawiran RW Khayre waxyeelladoodu waa heer qaran, hadafkooduse waa heer qof, heer kooxeed ama heer qabiil. Hadday hadafkooda ka dhex waayaan dawladda Xamar waxay u dhaqaaqaan siday duluca ugu goyn lahaayeen ama jilbaha dhulka ugu dhufan lahaayeen dawladnimada. Aragtidayda kooxdan iyo kooxaha la midka ahi wax naftooda iyo danta markaa ay leeyihiin ka sokeeya oo ay aamminsan yihiin ma jirto. Qabiilku waa aalad ay ku xoogsadan oo wax ku abaabulaan, waxayse ka midaysan yihiin in reerkooda keliyahi xaq u leeyihiin inay kursiga madaxweynaha ku fadhiistaan. Waxay kaloo ka midaysan yihiin in qabiilada kale ee Soomaaliyeed ay iyaga marti uga yihiin xukunka iyo caasimaddaba.

Hadalkan ah in iyaga marti loo yahay hore waxaynu uga maqalnay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, labadan maalmoodna waxa isla hadalkaa oo qayaxan ku dhawaaqayey Sanbalooshe oo fagaarayaasha kooxdani fadhiyaan iyo waraysi maqal-muuqaalba kaga tookhayey.

RW Khayre kooxdan ma la aragti yahay? Anigoon weligay taageerin RW Khayre una arka nin aan waxba soo kordhin, haddana waxaan qabaa inuu kooxdan ka fikir duwan yahay. “gaal dil gartiisana sii”
1) Khayre waa keligii taliye, laakiin waddada uu umaraa maaha mid qabyaaladaysan oo qayaxan.
3) Khayre uma eka nin in dawladi hanaqaaddo diiddan, laakiinse farsamo-xumo iyo damac aan xaqiiqda ku salaysnayn ayaa tusaya inuu qaado waddooyin/jidad qardajeex ah, jidkaasoo aakhirka ku dhammaanaya gidaar oodan oo aan la dhaafi karayn.
3) Khayre waxaa u muuqda inuu Soomaali oo dhan xukumo oo taageero ka kasbado xoog iyo xeelad iyo xoolaba, waxaana u shaqeeya oo hawlihiisa u fuliya dad Soomaali oo dhan kasoo wada jeeda laga bilaabo Wajaale, Warsheex, Wisil, Wanlaweyn, Wardhiigley ilaa Waamo.
4) Cilladda Khayre haysataa dawladnimada uu doonayaa waa mid isaga ka bilaabanta oo isla isaga ku dhammaata!

Kooxahan la sawiran RW Khayre oo ah dhallinyaradii indhaha ku kala qaadday burburkii iyo nacaybkii dagaallada sokeeye kana qaybqaatay foolxumadii, kana soo dhex baxay isla burburkaas, oo xoolona ka tabcaday xilalna ku gaadhay waxa maskaxdooda degey oo fikirkooda jaantus u ah waxylaaihii laga dhaxlay burburka. Soomaalinnimo, wadan jacayl, isdhexgal, cadaalad, sharci iyo kala danbayn iyaga waxay u yihiin dabar ka hor istaagaya xirafaddooda keliya ee ay yaqaanneen kuna soo barbaareen.
Markaad dhegeysato hadalladan hoose ee Sanbalooshe ha u qaadan wax isaga ku gaar ah waa fikir ay dad badani la qabaan oo siyaasadda saamayn ku leh (political elites).

1) https://www.facebook.com/watch/?v=2438363643062340

2) https://www.facebook.com/watch/?v=741674426283122

Dhaqankani degaan kasta oo Soomaaliyeed wuu ka jiraa Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelleh, Koonfur-Galbeed, iyo Jubaland-ba. Meel walbana koox baa cunaha iskaga duubtay. Qoladan Xamar waxay kaga duwan tahay Soomaali oo dhan bay cunaha iskaga duubeen, waxayna gacansaar la leeyihiin laba kooxood oo xoog leh oo ay ka midaysan yihiin inaan dawladnimo ka hanaqaadin geyiga Soomaaliyeed waa Al-shabaab iyo ganacsatada dawlad la’aanta ka macaashtay.

Gebagebadii haddaan dhaqankan “meel heblana annagaa leh, madaxtinnimadana annagaa xaq u leh” la beddelin wallee Soomaali meel fog baa laga doonayaa.

 

Maxamuud Ibrahim (Xaaji

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker