DHACDO DHACDAY MAANTA OO KALE OO XUSID MUDAN
Bismillaah, waan idin salaamayaa akhristayaal, ASCW, waxaan jeclaystay inaan manta waxka taabto dhacdo ka dhacday dalkaTurkiga maanta oo kale,15/07/2016, taasoo ahayd inqilaabkii dhicisoobay ee laysku dayay in xukuumaddan hadda ka talisa waddanka talada lagaga maroojiyo. Waxa habeenkaas qaybweyn ka qaatay difaaca xukuumadda shacabka oo isu soo bax sameeyay.
Waxaan qudha oo ka soo qaadanayaa arrin aad iisoo jiidatay arrintaas oo ahayd in markii ay dadku maqleen inqilaabka ay ku yaaceen meelkasta oo ay biyo ku ogaayeen iyagoo raba inay wayso qaataan si hadii ay u shahiidaan ay Illaahay ula kulmaan iyagoo daahira. Xuska arrintaa waxaa loo asteeyay xarrunta weyn ee belediyaha {dawladda hoose} Istanbuul horteeda.
Hadaba arrintan laba arrimood baan ka fahmay oo kala ah:-
⦁ Sida dadka Turkiga ah ay diintu dhuuxa ugaga jirto waayo waxay xasuusteen inay is daahiriyaan dabadeedna naftooda u huraan inay dawladooda badbaadiyaan, innagu ma xusuusan laheen hadaan soomaali nahay…?.
⦁ Dawladda fiican ee dadkeeda wax tarta Iyana haday cidhiidhi gasho sida habeenkaas oo kale waxay gurmad xoogan ka helaysaa dadkii ay ku soo tacabtay waana tan keentay inay dadku Tawaangida ama dabaabadaha is hortaagaan.
Sawiradii dadkii habeenkaa ku shahiiday waxay ku dhegsanyihiin gidaarka. Halkan waxa ka muuqda taalo yar oo lagu qoray wixii habeenkaa dhacay, sawirka ka muuqdaana waa mid dhab ah oo habeenkaa laga qaaday dad waysaysanayay. Qolyihii inqilaabka waday waxay galeen dhismaha weyn ee belediyaha halkaasayna dadka ka soo tooganayeen dadkana waxa hub u ahaa inay u waysaqaataan sida qoraaladu muujinayaan, cajiib.
Sawirkan ama dadka halkan ka muuqda waxaad moodaysaa dad caadi ah ilaa aad aad ugu fiirsato waa caagag dhar loo geliyay iyadoo lagu matalayo siday dadku habeenkaa u waysaysanayeen.
Wa salaam
C/razaaq Xiis
abdurazaqhiis@gmail.com 15/07/20